Jose Mourinho oo la ogaaday xidigaha uu fasixi doono marka la gaaro bisha Janaayo

0
Sunday November 12, 2017 - 10:47:58 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho oo la ogaaday xidigaha uu fasixi doono marka la gaaro bisha Janaayo

    Axad- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Manchester


 

Tababaraha kooxda Man United ayaa loo sheegay in uu xiddigo iibiyo si uu xiddigo u soo iibsado suuqa Janaury xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini aya noqon doona xiddiga ugu horeeya ee kooxda ka tagi doona January.


 

Man United ayaa u baahan in ay dhiig cusub ku soo darto kooxdeeda xilli jooga dheer ee reer Belguim uu kooxda ka tagi doono 7 todobaad kadib.


 

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Marouane Fellaini uu heshiis Rasmi ah la gaaray kooxda Besiktas si uu ugu biiro sanadka cusub 8 milyan oo euro xilli heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe.



 

Mana noqon doono xiddiga kaliya ee ka tagi doona kooxda xilli uu Jose Mourinho doonayo in uu kooxda xoojiyo si uu cadaadiska ugu sii hayo Man City.

Image result for Marouane Fellaini

 

Tababarahan reer Portugal ayaa todobaadkii ugu dambeeyay premier league ka hor Fasaxa xulalka amaan ugu qubeeyay kadib guuldaradii ka soo gaartay kooxda chelsea.


 

Mourinho ayaa durba sii calaamadsaday xiddiga ugu horeeya ee uu u dhaqaaqi doono kaas oo ah xiddiga kooxda Shakhtar Donetsk ee Fred.


 

Xiddigan khadka dhexe ayaa ah xiddig qaab ciyaareed cajiib ah ku jira ilaa haatan xilli ciyaareedkan laakiin waxa sidoo kale xiiso u qaba dhowr kooxood oo reer yurub ah.


W/D: Axmed Yuusuf Suleymaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip