Real Madrid oo qiimo waalli ah ku dooneysa difaaca PSG ee Marquinhos

0
Sunday November 12, 2017 - 23:06:26 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo qiimo waalli ah ku dooneysa difaaca PSG ee Marquinhos

    Axad- Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Madrid


REAL MADRID ayaa la warinayaa in ay isu diyaarineyso sidii ay £70milyan oo gani ugu soo iibsan laheyd difaaca Paris Saint-Germain ee Marquinhos.


 

Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in Zinedine Zidane uu doonayo in uu laacibkaas kusoo xoojiyo difaaciisa oo hadda habac aad u xooggan uu ka jiro.


 

Difaaca xulka Brazil Marquinhos ayaa loo arkaa ninka ugu habboon ee laga dhinac ciyaarsiin karo Sergio Ramos marka la joogo Santiago Bernabeu.



 

Laacibka dalka France Raphael Varane ayey hareeyeen dhaawacyo waana taas midda sababtay in Real ay u aragto isaga mid aan sii ahaan Karin laacibka joogtada ah.


 

Halka Nacho iyo Jesus Vallejo aysanba booska joogtada ah ee kooxdooda heli karin.


 

Marquinhos ayey haddaba kooxdani dooneysaa bisha January, iyadoo Zidane uu diyaar u yahay difaaciisa in uu xoojiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip