Barcelona oo ay Koobka Adduunka uga qeyb galayaan ugu yaraan 15 laacib

0
Sunday November 12, 2017 - 23:09:49 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo ay Koobka Adduunka uga qeyb galayaan ugu yaraan 15 laacib

    Axad- Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Barcelona



Koobka aduunka waa dhacdada ugu xiisaha badan ee la ciyaaro ,sanadka soo socda ee 2018 ayuu ka bilaaban doona dalka Russia .


 

Marka la eego xidigo badan ayaa kooxaha qaarada yurub uga qeebgalaya ,kooxda Barcelona waxaa uga qeeb galaya 15 laacib oo xaqiiqsaday boosaskooda koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.


Tirada ayaa inta ka badan karta oo sii gaari karta ilaa 16 laacib, haddii sida la filayaba uu soo boxo xulka Coatia.



 

Croatia ayaa 4-1 ku soo adkaatay lugtii hore ee playoff ay la ciyaareen Greece, haddii aysan lama filaan dhicin Ivan Rakitic ayaa ku soo biiri doona xiddigaha Barcelona ee xaqiiqsaday booskooda koobka adduunka.



 

Real Madrid ayaa iyadu waxaa koobka adduunka uga qeyb gali doona oo boosaskooda xaqiiqsaday 12 laacib halka 2-da kale ay qarka u soo saaran yihiin.


 

Haddaba 15 ka laacib ee Barcelona uga qeyb galeya koobka Adduunka ayaa kala ah:


 

Messi, Mascherano, Paulinho, Luis Suarez, Pique, Busquets, Jordi Alba, Iniesta, Ter Stegen, Umtiti, Digne, Dembele, Vermaelen, Semedo iyo Andre Gomes.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip