Coutinho oo ku faraxsan in uu sii joogo Liverpool

0
Monday November 13, 2017 - 09:10:13 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Coutinho oo ku faraxsan in uu sii joogo Liverpool

    Isniin- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Liverpool

Iyadoo laga raad raacayo sidii uu laacibka Philippe Coutinho kooxdiisa ugu qasbayay in ay ka dirto garoonka Anfield looguna dhoweynayay ka mid noqoshada Barcelona hadda wuxuu sugayaa in uusan kooxda meelna ka aadin.


 

Naadiga Blaugrana ayaa sheegtay in ay laacibkan dooneyso bisha January balse kooxda Liverpool ma aqbali doonto iibkiisa wixii ka horreeya August.


 

Isagoo isu diyaarinaya kulanka Brazil ee saaxiibnimo oo England ay kula dheeli doonaan Wembley Stadium, Selecao ayaa xero ay kusii tababartaan ahaan loo siiyay shalay gelinkii dambe garoonka Craven Cottage oo ay Fulham iska leedahay.



 

Wariyeyaasha oo ay ka dhex guuxeysay arrinta, Coutinho ayaa sugi waayay inta ay isku arkayaan Merseyside waxaana la weydiiyay maka tegeysaa Liverpool.


 

"Waxaan hadda ka ciyaarayaa mid ka mid ah horyaallada dunida ugu waaweyn,” sidaas ayuu wariyeyaasha u sheegay.


 

"Had iyo goor waan faraxsanahay, balse hadda waxaan diiradda saarayaa ciyaaraha Qaranka.


 

"Hadda Nolosheyda aadbaan ugu faraxsanahay.


 

Coutinho waxaa aad u raadinaya macallinka Barcelona ee Ernesto Valverde, wuxuuna waalli sii istaagay markii loo sheegay in Ousmane Dembele uu dhaawaciisu qaadan karo tan iyo Ciidda Kiristanka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip