Halyeyga Kooxda Man United Ryan Giggs Oo Shaqo cusub Helay

0
Tuesday November 14, 2017 - 09:36:06 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeyga Kooxda Man United Ryan Giggs Oo Shaqo cusub Helay

    Talaado- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Manchester



Halyeeyga Manchester United ayaa shaqadiisa cusub ka bilaabi doona Vietnamese Football Talents FC [PVF] 20ka bishaan November.




Shaqadiisa ma ahan mid joogta ah, laakiin waxa uu akadeemiga booqan doonaa dhowr maalmood labo jeer sannadkii oo ay ku jirto furitaanka akadeemiga ee isbuuca soo aadan.




Isagoo ka hadlayay shaqadaan cusub, Giggs ayaa yiri: "Waxa ay goordhow dhiseen akadeemik cusub sidaasi darteed aniga iyo Scholes waxaan seddex maalmood halkaas u tageynaa la talin, iyadoo mustaqbalka laga yaabo inaan isku xirno akadeemiga iyo kooxdeena Salford.



"Waxaan dhiseynaa akadeemigeena noo gaarka ah iyo jaamacad sidaasi darteed inaan xiriir la yeelano dunida inteeda kale waa ay ina caawineysaa. Akadeemiga cusub ee Vietnam waa mid adeegiisa uu cajiib yahay.”





Giggs ayaa hore loola xiriiriyay shaqo badan oo dhanka tababarenimada ah tan iyo markii uu shaqadii ku meelgaarka aheyd ee United ka tagay sannadii 2014, waxaana dhawaan lala xiriirinayay kooxaha Leicester iyo Everton.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip