Man United oo Lacag Waali ah ku dalban doonta mid ka mida xiddigaha ugu Muhiimsan Kooxda Real Madrid

0
Tuesday November 14, 2017 - 09:48:19 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo Lacag Waali ah ku dalban doonta mid ka mida xiddigaha ugu Muhiimsan Kooxda Real Madrid

    Talaado- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Manchester





Manchester United ayaa dooneysa iney qarashaad waalli ah ku bixiso saxiixa da’yarka kooxda Real Madrid Marco Asensio sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain.




Paul Pogba ayaa ah saxiixa ugu qaalisan kooxda Red Devils kaas oo xagaagii 2016 ku yimid Old Trafford aduun dhan 89 Malyan oo Pound, balse haatan maamulka wuxuu diyaar u yahay inuu darajadaas siiyo Marco Asensio oo ay ka bixin doonaa 177 Malyan oo Pound.




Shabakada Don Balon ayaa qireysa iney Red Devils ay diyaar u tahay iney Marco Asensio ka dhigto saxiixa labaad ee ugu qaalisan dunida kadib Neymar Junior oo August sanadkaan aduun dhan 222 Malyan oo Euro ku tagay Parc des Princess.




Jose Mourinho ayaa doonaya inuu wiilkaan tayada wanaagsan keeno garoonka Old Trafford iyadoo ay xusid mudan tahay in sidoo kale loo balan qaaday mushaar dhan 24 Malyan oo Pound xilli ciyaareedkii si uu qalinka ugu duugo heshiis dhan shan sanadood.




Marco Asensio wuxuu kooxda haatan ku yeeshay door fiican madama uu dhaawaciisa batay Gareth Bale – sidoo kalana xilli ciyaareedkii hore 10-gool ayuu kooxda u dhaliyay isagoo caawiyay afar gool wuxuuna ka saaciday Los Blancos iney hanato La Liga iyo Champions League.




Marco Asensio dhawaan ayuu heshiis lix sanadood ah saxiixay kaas oo dhamaanaya 2023, lacag dhan 500 Malyan ayaana lagu jabin karaa heshiiskiisa taasoo ku adkaan karta Red Devils.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip