Chapecoense oo ka badbaadday in ay u laabato heerka 2aad ee Brazil

0
Saturday November 18, 2017 - 12:05:10 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chapecoense oo ka badbaadday in ay u laabato heerka 2aad ee Brazil

    Sabti- Brazil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Brazil



Kooxda Chapecoense ee Sanadkii hore ku baaba’day shilka diyaaradeed ayaa ka badbaadday in ay u laabato heerka labaad ee Horyaalka Serie A-da Dalka Brazil.


 

Kooxdan ayaa inta badan Ciyaartoydii,shaqaalihii iyo maamulkii kooxduba ku dhinteen shil diyaaradeed waxaana ka soo haray 3 Ciyaaryahan oo qaarkood aanu lixaadkoodu dhameystirneyn.



 

71 qof oo ka mid ahaa 77 qof oo saarnaa Diyaarad duullimaadkeedu ahaa LaMia Flight 2933 ayaa geeriyooday Bishii November kaddib markii Diyaaradda oo ku sii jeedday Dalka Colombia si kooxda u ciyaarto kama dambeysta Koobka Copa Sudamericana ,ay dhacday shidaal la’aan darted.


 

Kaliya 3; Ciyaaryahan ayaa ka badbaaday musiibadaas,madaxda Horyaalka ayaa kooxda u soo jeediyay in ay heerka 2aad aaddo xilli ciyaareedkan,waase ay diideen,waxaana ay sameeyeen macallin cusub iyo ciyaartooy cusub.


 

Dib u habeyn kaddib Kooxda ayaa khamiistii guul dirqi ah oo 2-1 ah uga badisay kooxda Vitoria,taas oo u sahashay in ay baaqi ku sii ahaadaan Serie A-da Brazil,sidoo kalena ay ciyaari karaan Koobkii kama dambeystiisa ku le’deen.


 

Natiijadaas waxaa ay timid iyada oo horyaalka Brazil ay ka harsantahay kaliya saddex kulan,waxaana ay haddii ay sii badiyaan xaqiijinayaan ka qeybgalka Koobka Copa Sudamericana., oo ay sanadkii hore kama dabeyskiisa gaareen diyaaraddii waddayna shil gashay.



 

W/Q: Adam Ibrahim Farah (Showqi).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip