Falanqeynta: Basel vs Man United, Jose Iyo Wiilashiisa oo caawa u baahan kaliya Hal dhibic

0
Wednesday November 22, 2017 - 08:54:35 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta: Basel vs Man United, Jose Iyo Wiilashiisa oo caawa u baahan kaliya Hal dhibic

    Arboco - Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco - Yurub






-WARBIXINTA KULANKA.

Kulanka: Basel vs Man United
Garoonka: St. Jakob Park
Saacada: 10:45 PM Xiliga Geeska Africa
Garsooraha: Daniele Orsato ( Italia)




-MAXAA KA CUSUB KULANKAN




Manchester United ayaa u baahan oo kaliya hal dhibic si ay u xaqiijiso inay u soo baxaan wareega 16ka Champions League.United ayaa hogaanka u heyso  Group A, iyagoo badiyay dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen, Wexeena dhaliyeen 10 gool, halna waa laga dhaliyay.



Kulankii hore ee ka dhacay garoonka oo Old Trafford ayaa ku soo idlaaday 3-0 Dhanka kale, Basel ayaa xaqiijin karta booskooda wareega 16ka haddii laga Badiyo  kooxda CSKA.


-WARARKA LABADA KOOX

Phil Jones, Eric Bailly iyo Michael Carrick ayaa dhamaantood dhaawac ku seegi doono kulankan, halka Zlatan Ibrahimovic uu ku soo bilaaban doono caawa.



Marcos Rojo ayaa la filayaa inuu ku soo bilawdo kulankan ka dib dhaawac jilibka uu ku maqnaa, halka Ashley Young, Juan Mata iyo Antonio Valencia la fasaxay kulankan.




Basel ayaa waxaa ka maqnaan doona weeraryahanka Ricky van Wolfswinkel, lakiin wax walaac ah ma lahan.

-XAQIIQDA KULANKAN



●Kulankan wuxuu noqon doonaa kulankii lixaad ee ku dhexmara Labada koox tartamada Yurub , United ayaa badisay labo jeer halka kooxda reer Switzerland ay badisay kaliya hal kulan.



●Tani waa markii sagaalaad ee koox Ingiriis ah ay guul gaarto afarteedi kulan ee Furitaanka Champions League kulumada Garuubyada,   Man United Ayaana Lix ka mid ah Sidaas Sameesay.




● United  keliya hal jeer ayee  guul daro soo gaartay sagaalkii kulan ee ugu dambeysay Champions League (W6 D2); waxaana laga dhaliyay kaliya hal gool  afartii kulan ee ugu dambeysay.



●Anthony Martial ayaa ku  lug yeeshay   shan ka mid ah sideedii gool ee ugu danbeysay ee dhalisay kooxda  Manchester United tartanka Champions League (seddex gool iyo labo caawin).


W/D Maankiz


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip