Hordhaca:Qarabag vs Chelsea, Wiilasha Antonio Conte oo u baahan guul Sidee u xaqiijiyaan Wareega 16ka

0
Wednesday November 22, 2017 - 09:32:31 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca:Qarabag vs Chelsea, Wiilasha Antonio Conte oo u baahan guul Sidee u xaqiijiyaan Wareega 16ka

    Arboco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco- Yurub




Kulanka:Qarabag vs Chelsea

Garoonka: Baki Olimpiya Stadion

Waqtiga: 8:00 pm Saacada Geeska Afrik

Garsoore: Bjoern Kuipers (Netherlands)


WARARKA LABADA KOOX


Jadwalka kulamada Premier League ayaa dhaawacaya fursadaha ay kooxaha Ingariiska u heystaan hanashada koobka Champions League, sidaasi waxaa yiri tababaraha Chelsea Antonio Conte.




Chelsea ayaa u safreysa Liverpool Sabtida, kaliya seddex maalmood ka dib marka ay soo dhameystiraan safar ay ku tagayaan Azerbaijan halkaasoo ay caawa kula ciyaarayaan kooxda Qarabag.



Chelsea oo kaalinta labaad kaga jirta Group C ayaa u baahan inay garaacdo kooxda Qarabag si ay u gaaraan wareega 16ka ee Champions League, waxa ay sidoo kale ku soo baxaan barbaro laakiin waa haddii Atletico Madrid ay ka badin weyso Roma kulanka kale ee Group C.




Qarabag ayaa 6-0 looga badiyay kulankii Stamford Bridge, iyagoo labo dhibcood kaliya ka heysta afartii kulan ee ay ciyaareen ma awoodaan inay u soo gudbaan wareega xiga ee 16ka.

Ma jirto koox Ingariis ah oo gaartay finalka Champions League tan iyo markii ugu danbeysay ee ay Chelsea ku guuleysatay tartanka sannadii 2012.



Tan iyo markii ay Chelsea gaartay semi-finalka xilli ciyaareedkii 2013-14, Manchester City ayaa ah kooxda kaliya ee Premier League ee gaartay semi-finalka waxaana ay sameeyeen xilli ciyaareedkii 2015-16.

MAXAA KA CUSUB?



Iyadoo Chelsea ay sagaal dhibcood ka danbeysa kooxda hogaamineysa Premier League ee Manchester City, Conte ayaa laga yaabaa inuu nasasiiyo qaar ka mid ah xiddigihiisa kulanka caawa ee Qarabag.

David Luiz ayaa ku soo laaban kara wadnaha daafaca ka dib markii uu booskiisa u waayay Andreas Christensen ka dib guuldaradii Roma ee bishii October.



Weeraryahan Michy Batshuayi, da’ yarka Charly Musonda iyo xiddiga garabka ka ciyaara Victor Moses ayaa dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulankaan.






-XAQIIQDA KULANKAN



●Chelsea ayaa gaartay wareega isreebreebka Champions League 13 jeer 14kii kulan ee u danbeysay.



●Chelsea ayaa kulankaan imaaneysa iyadoo laga badiyay  lugtii hore  Champions League ah oo looga badiyay 3 gool  waana marki 3aad Taarikhdooda Looga badinaayo goolal  3-0 




●Eden Hazard ayaa abuuray fursado goolal badan ka badan ciyaaryahan kale ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 2017/18 Champions League (17).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip