Layaab: Argentina oo bahdil ku sameysay Italy

0
Wednesday November 22, 2017 - 17:10:15 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaab: Argentina oo bahdil ku sameysay Italy

    Arbaco- Italy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Italy


Xiriirka kubada cagta Argentina ayaa bahdil ku sameeyay dhigiisa Talyaaniga kadib markii uu sheegay in aysan dhici doonin kulanki saaxiibtinimo ee labada dal ku ballansananeen bisha Maarso 2018.


Kulankan ayaa qorsheynaa inuu dhaco 23 maarso 2018 waxeyna waraku sheegayaan in loo baajiyay kadib markii ay Italy ka hartay koobka adduunka 2018.


Sida laga soo xigtay ItaSport Press, xiriirka kubada cagta Argnetina (AFA) ayaa dhiggooda Italy (FIGC) usoo qoray kadib kulanki kala baxa ee Sweden.



Warqadan ayaa Italy looga codsaday in ay la baajiyo gebigiisba kulanka sababa la xiriira Taageraaysah oo daneyn doonin, ciyaartoyda aan qibrad lahyan oo kasoo muuqan doona iyo macallin ku meel gaar ah.


Si kastaba Website-ka ayaa arinta ku sifeeyay in ay tahay bahdil lagu sameynayo waayna bilow u tahay dhibaatooyinka kasoo gaaraya seegida koobka adduunka.


Xulka afarta jeer ku guuleystay koobka dunida ayaa marki u horeysay 60 sano ka maqnaan doona koobka adduunka, waxeyna taas sababtay in macallinki ityo guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Talyaaniga ay is casilaan,

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip