Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka oo 12 sano kadib tartanka ka furay Muqdisho+Sawiro

0
Saturday December 02, 2017 - 10:02:18 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka oo 12 sano kadib tartanka ka furay Muqdisho+Sawiro

    Sabti- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Muqdisho

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer  ayaa marki u horeyy 12 sano kadib magaalada muqdisho ka furay tartan loogu magac adaray  Muqdisho Open, waxaana xafaladii furitaankaoo ka dhacaday xarunta degamd Shibis   kasoo qeyb galay  Guddoomiyaha GOS    Mudane  Cabdullaahi Axmed   Tarabi, Xubnaha guddiga Fullinta GOS, Madxda xiriirka Tennis-ka, maamulka degmada Shibis iyo marti sharaf kale.



   Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Xogyaha Gudd ee Xiriirka Tennis-ka Xamze Xaaji Cabdi waxuu sheegay in kadib daaal dheer ay bishii Maarso ee sandkan ku guuleysteen in ay dib usoo nooleeyaan  xiriirka  oo aan 12 sano wax shaqo ah qaban.


Xoghayaha  Xamze ayaa intaa ku daray in ciyaarta tartanka ka qeyb galeysa ay diyaarinayeen afarti bil ee lasoo dhaafay   ujeedka tartankana uu yahay in laga helo ciyaartooy dib usoo celisa sumcadii ciyaarta Tennis-ka ku lahayd dalka iyo dibadda, waxuuna mahd celin usoo jeediyey  maamulada degmooyinka Shibis iyo Boondheer oo gacan ka siiyey in ay xarumahoda tababar ku qaataan, iyo  macallimiinta xiriirka uu aafarti bil ee lasoo dhaafay u taagnaa sidii ay aqoontooda ugu biirin lahaayeen ciyaartoyda.


Guddoomiye ku xigeenka Degmada Shibis Maxamed Xasan, iyo Guddoomiyah Isboortiga Gobolak Xasan Wiish oo xaflada  ka  hadlay ayaa muujiyey sida ay  diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta Ciyaarta Tennis-ka

 

 Madaxa Arimaha  Xiriirka GOS  Xaaji Maxamed Axmed Colow oo taranka daah furay ayaa sheegay in  ay GOS oo soo dhaweyneyso dadaalada xiriirada dalka guud ahaan, gaar ahaan Xiriirka Tennis-kaoo mdddooyinki mdabe shaqeyn, waxuna inta kudaray in GOS ay ka qeyb qaadan doonto sidii xiriirka Tennis-ka dib ugu soo noqon lahaa halkii uu joogay.


 Xaaji Colow ayaa dhanka kale tibaaxay in ciyaarta Tennis-ka ay ka mid  tahay ciyaarihii ug horeeyay Somaaliya laga ciyaaro waxuuna ciyaartoyda kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaagsan oo asluub ku saleysan.

 

 Tartanka   Tennis-ka Muqdisho Open waxaa ka qeyb galayaa  in kabdan 30 ciiyaarayahan oo Wiilal iyo Gbadho isug jira, waxaana lagu tartami doona tartamada kali kaliya iyo kuwa labaanaha.


W/D; Xuseen Maxamed Hadafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip