Barcelona oo ku aadi karta Chelsea wareegga 16-ka Champions League

0
Wednesday December 06, 2017 - 15:23:30 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo ku aadi karta Chelsea wareegga 16-ka Champions League

    Arbaco- Switzerland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Switzerland

Champions League taageerayaashiisa ayaa hadda heysta 12 ka mid ah 16 naadi oo ay ku sugayeen wareegga 16-ka ee tartanka, iyadoo Chelsea iyo Roma ay xaqiijiyeen habeenkii Talaadada in ay usoo gudbeen wareegga xiga.


 

Manchester United, Paris Saint-Germain, Roma, Barcelona, Manchester City, Besiktas iyo Tottenham ayaa dhammaantood ogaa in ay kasoo gudbeen wareegga Guruubyada.


 

Kooxda sideedaad ayaa ah Liverpool, haddii ay garaacaan Spartak Moscow kulanka ka dhici doona garoonka Anfield Arbacada maanta ah.



 

Kooxaha Booska labaad, Basel, Bayern Munich, Chelsea, Juventus iyo Real Madrid ayaa horay u yaqiinsaday in ay soo gudbeen.


 

Seddax kooxood oo dheeri ah ayaana kusoo biiri doona, iyadoo Sevilla ay damaanad qaadan doonto marka ay garaacdo Maribor, halka Shakhtar ay kaliya u baahantahay garab dhac Manchester City iyo Porto oo iyana guul ay ka gaarto Monaco kusoo gudbeysa.


 

Horay, ayaa loosii hadal hayay isku aadka wareegga xiga.


 

Haddii Liverpool ay xaqiijiso Booska koobaad Chelsea ayaa kaliya ku beegmi doonta kooxaha: PSG, Barcelona ama Besiktas.


 

Haddii kooxda Barcelona ay wajahdo Antonio Conte kooxdiisa, waa u mahad oo waxay ka cararayaan kooxda Jupp Heynckes Bayern.


 

Real Madrid marnaba kuma aadi doonto koox aan xoog badneyn waxayna isu diyaarin doontaa PSG, Manchester United, Manchester City, Liverpool ama Roma.


 

Isku aadka wareegga 16-ka waxaa la sameyn doonaa Isniin ay December 11 tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip