Kabtan laga cabsoodo: Keane oo sabab u noqday in Garsoore Mark Clattenburg badalo go'aankiisa

0
Thursday December 07, 2017 - 11:37:35 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtan laga cabsoodo: Keane oo sabab u noqday in Garsoore Mark Clattenburg badalo go'aankiisa

    Khamiis- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- England

Garsoorahii hore Premier League Mark Clattenburg ayaa shaaca ka qaaday inuu mar badalay go’aankiisa isagoo ka cabsanaya kabtankii hore Man United Roy Keane waqtiyadii ugu horeeyay uu garsoore ka noqdo horyaalka Premier League.


 

42-jirkaan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday Premier League sanadkii 2004,


wuxuuna wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay (Men In Blazers), waxyaabaha ugu waaweyn oo uu ka hadlay ka hor arintan waxaa ka mid ah dagaalki Bridge ee Spurs iyo Chelsea iyo sidoo kale go’aankii uu kaga tagay Premier League.



 

Isagoo dhoolo cadeenaayo ayuu hadalkiisa Ku Bilaaway:


 

"Xitaa markii aan joogay Premier League ilaa iyo hadda waan dhoola cadeeyaa markii ugu horeysay oo aan wajaho Roy Keane”

 

"Wuu nagu qeyliyay si aan koorne u siino, waan hubay iney tahay kubad gool ka laad ah, balse waxaan siiyay koorne markii uu si daran u qeeliyay, isaga ayaan ka cabsaday xiligaas”


 

Clattenburg ayaa sheegay inuu ahaa wiil yar oo ku cusub saaxadda garsoorenimo, wuxuuna yiri:

 

"Sida cad ah ma aheyn mid wax maamuli kara Ma laheyn qibrad maamul sababtoo ah waxaan ahaa wiil aad u yar”

 

"Waxey aheyd markii ay da’da ii korortay inaan bilaabo hormarinta xirfadayda, marka aad leedahay xirfadahaas waxaad si fiican u dhexgaleysaa dadka waaweyn iyo ciyaartoyda”


 

"Hadii aad dhex gasho ciyaartoyda, waxey noloshaada ka dhigayaan mid fudud, hadii ay sidaas dhacdana waxaad noqoneysaa garsoore fiican”

 

Mark Clattenburg ayaa ka hadlay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu isaga guuro England, wuxuuna sheegay in Manchester United Iyo Jose Mourinho ay sabab u ahaayeen inuu gaaro go’aan uu ku firaaqeeyo wadankiisa.


 

Isagoo arintaas ka hadlaayo wuxuu yiri:

 

"Waxaan ahaa garsooraha kulan uu Rooney jabiyay rikoorka goolasha Bobby Charlton, Mourinho ayaa iigu yimid qolka labiska, wuxuu ahaa mid aan faraxsaneyn go’aankii aan ku diiday kubad gacanta ku dhacday”


 

"Waxaan ka baxay garoonka Stoke, kaas oo ah mid mar walba qabow ah, waxaan ahaa mid qoyan oo aan faraxsaneyn, mar walbana inaan garsooro Man United iima aheyn wax sahlan”


 

"Inuu kulanka dhamaado wuxuu ii ahaa mid cajiib ah, waxaana dareemayay in kulankaas aan bandhig fiican sameeyay, wuxuu iigu yimid qolka labiska isagoo igu dhaleeceeyay qaab ciyaareedka kubadii gacanta ee aan arkay, waxeyna sida cad aheyd mid xabadka uga dhacday, waan ogaa inaan ku saxanahay, wuxuu shaki ku abuuray maankeyga”


 

"Waxaan gurigeyga u safray 250 Mayl, waxaan ka fakaray inaan qalad weyn sameeyay, xaaskeyga waxey durba ogaatay in dabcigeyga uu isbadal ku yimid, waxey nafteyda is weydiisay, "Miyaan dhabtii doonayaa inaan ka qeyb ahaado? Miyaan dhabtii doonayaa inaan sii garsooro?”


 

W/D Maankiz

 

Abdirahman




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip