UEFA oo ka ganaaxday Carvajal ciyaaraha Champions League ilaa Goorma ayuu maqnaan doonaa?

0
Friday December 08, 2017 - 09:27:32 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA oo ka ganaaxday Carvajal ciyaaraha Champions League ilaa Goorma ayuu maqnaan doonaa?

    Jimco- Zurich

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- Zurich



Dani Carvajal ayaan u ciyaari doonin kooxdiisa Real Madrid lugta hore ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, iyadoo ay guddiga Anshaxa ee UEFA saareen hal kulan oo ganaax dheeriya ah.


 

Difaaca midig ayaa isku deyay in uu jaalle iskiis u qaato ciyaartii Los Blancos ay la qaadatay APOEL ee November, isagoo markaas marayay kulanka ugu dambeeya ee ganaaxiisa, waxaase xusid mudan in uu seegay Borussia Dortmund, kulankii ay la qaateen ee Real ay ku ilaashatay Booskeeda Guruubyada.



 

Waxay sheegeen xiriirku in uu jebiyay qodobka 15-aad ee UEFA xeerkeeda Anshaxa taasoo keentay in kulan dheeri ah lasii ganaaxo isaga.


 

Carvajal ayaa haddaba ka ganaaxan kooxda Real Madrid kulanka hore ee wareegga 16-ka.


 

Sidoo kale ma jiraan ciyaartoy ka tirsan Real Madrid oo halis u geli kara ganaax lugta labaad haddii aan midkood Roose loo taagin.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip