Pep Guardiola oo soo barbareeyay Rikoodh La liga u yaala Barca iyo Real, haddana beegsanaya Serie iyo Bundesliga

0
Sunday December 17, 2017 - 00:13:05 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola oo soo barbareeyay Rikoodh La liga u yaala Barca iyo Real, haddana beegsanaya Serie iyo Bundesliga

    Axad- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Manchester


 

Kooxda Manchester City ayaa 4-1 ugu awood sheegatay kooxda Tottenham kulan ciyaareed ka dhacay gegida Etihat ee magaalada Manchester.


City ayaa goolash ka heshay İlkay Gündoğan, Kevin De Brune iyo raheem Sterling oo laba gool dhaliyey halka gool-kulaad uu ka cunay Gabreil Jesus.


Waa guushii 16 oo xiriir ah uu Pep Guardiola ku hogaamiyo kooxdiisa, waxuunsa sidaas kusoo barbareeyay Rikoodh-ka La Liga ee kulamada ugu badan ee guulo ay kooxo gaarto, waxaana Horyaalka Spain min 16 jeer oo xiriir ah guuleystay Barca 2010-11 oo uu isgaa hogaamineyay iyo Real Madrid 2016-16 oo Tabare Zidane horkacayey.



Pep ayaa iminka isha ku haya Rikoodhka Inter Milan kaasoo ah 17 kulan, waxaana u xigi doona rikoodha uu Bayer Munich u dhigay kaasoo ah 9 kulan.


Pep iyo Kooxdiisa ayaa saddexda kulan ee soo aadan la dheeli doona kooxaha Bournemouth Newcastle United iyo Crystal Palace.


Hadii ay City guul gaarto saddexaad kulan waxay soo barbareyn doontaa Rikoodh-ka Bayer,waxayan kadib fursad u heli doontaa in ay mid u gaar ah sameysato kadib kulanka Watford .


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip