Garoonka Arsenal oo Doolli maaro looga la'yahay!!

0
Thursday December 21, 2017 - 11:15:39 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Arsenal oo Doolli maaro looga la'yahay!!

    Khamiis,21-12-017. London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doolliga dhiba Garoonka Arsenal.
Khamiis,21-12-017. London.

Kooxda Arsenal ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso Doolli farabadan oo dhibaato ku haya Garoonka Kooxdaas ee Emirates.


Guddi baaritaan oo 14kii bilood ee la soo dhaafay baarayay arrintan ayaa soo ogaaday in Doolliga uu meel kasta oo ka mid ah Emirates laga heli karo isaga oo mararka qaar dhibaateeya taageerayaasha.


Sidoo kale qeybaha Caafimaadka ee Garoonka ayaa dacwad u gudbiyay madaxda Kooxda si arrinkan wax looga qabto.



Doolliga ayaa la xaqiijiyay in dhinaca dhismaha East Coast Main Line uu ka soo galay,taas oo u dhow Waddo Tareen.


"amniga,badqabka iyo amaanka taageerayaasheenna ayaa noo muhiim ah,annaga oo halkaas ka duuleyna,waxaan wax ka qabaneynaa Doolliga dhibaatada ku haya taageerayaasha”,ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Kooxda Arsenal.


Arsenal; ma’aha kooxdii ugu horreysay ee Garoonkeeda uu doolli dhibaateeyo,waxaana ka horreysay,Man United ayaa 2015kii sidaas oo kale dhibaato ku hayay Garoonkeeda Old Trafford.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip