Aubameyang oo si sarbeeb ah u sheegay kooxda uu ku biiri doono. Mana ahan Real Madrid!

0
Sunday December 24, 2017 - 10:27:45 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aubameyang oo si sarbeeb ah u sheegay kooxda uu ku biiri doono. Mana ahan Real Madrid!

    Axad- Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Germany





Weeraryahanka kooxda  Dortmund  Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u gacan haatiyay halka laga yaabo in uu u wareego waqtiga dhaw xilli laacibkaas si weyn ay u doonayaan kooxaha ugu weyn yurub oo ay ugu horeyso kooxda Real Madrid



 

Waxa uu laacibkaas reer Gabon hoosta ka xariiqay in laga yaabo in uu u wareego waqtiyada soo socda Atletico Madrid si uu booska uga badallo Antoine Griezmann kaasi oo isna loo badinayo in uu kooxdiisa ka tagayo.




Waxa uu joog dheerahaan beeniyay warar saxaafada isla qaad qaadeysay oo sheegayay in hishiis hor dhac ah uu la gaaray kooxdiisa Dortmund oo ku aadan in uu qalinka iyo warqadda is dul saaro.



” Ma jirto wax aan isla meel dhignay Dortmund”ayuu si kooban u yiri Pierre-Emerick Aubameyang isaga oo u waramayay saxaafadda sida The Mirror ay soo xiganeyso



” Wax yaabo badan aya dhacaya marka suuqa uu furmo , balse illaa haatan kaliya warar suuqeed uun ayaa jira”



Pierre-Emerick Aubameyang ayaa intaas sii raaciyay waxaan ognahay in Atletico Madrid ay raadinayaan laba weeraryahan maxa yeelay Antoine Griezmann wuu baxayaa ,wax yaabo badan in ay dhacaan ayaa laga yaabaa”



Waxa uu Pierre-Emerick xaqiijiyay in uusan dooneyn in uu u wareego Real Madrid iyadoo uu xusay in weli rabitaan noocaas ah uusan ku soo dhicin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip