Totti, Simeone iyo Puyol oo ka qeybgelaya shirka Ciyaaraha Caalamka,xagguu ka dhacayaa?

0
Sunday December 24, 2017 - 11:56:53 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Totti, Simeone iyo Puyol oo ka qeybgelaya shirka Ciyaaraha Caalamka,xagguu ka dhacayaa?

    Axad, Dubai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad, Dubai.

Totti, Simeone, Puyal iyo magacyo kale oo Ciyaaraha can ku ah ayaa lagu dhex arkay liiska ka qeybgelayaash Shirka Sanad laha ah ee Ciyaaraha Caalamka.


Shirkan ayaa lagu qabanayaa Magaalada Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta,waxaana sanadkii 12aad oo xiriir ah oo uu Dubai ka qabsoomayo.


Waxaa uu kaltirsiga Bariga dhexe shirkan uga jiraa meel weyn,waxaana sanadkan cinwaankiisa yahay maalgashiga Sportiga casriga ah.


Dadka caanka ah ee ka qeybgelaya waxaa ka mid ah Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, Tababarihii hore ee -Juventus iyo Italy ee Marcello Lippi, tababarihii hore eeMilan iyo Italy ,r Fabio Capello iyo Guddoomiyaha Grasoorayaasha Pierluigi Collina.



Maalinta Arbacada ah ee ugu horreysay Madaxweynayaasha Xiriirrada Spain ee Laliga iyo Italy ee Serie A Javier Tebas Medrano iyo Marco Brunelli,ayaa qorshaha 1aad halkaas ka jeedin doona.


Khudbadaha maalgadhiga Dhallinyarada ciyaaraha waxaa qaadanaya Diago Simeone, Tababaraha Masar Hector Cuper iyo Capello.


Isla maalinkaas khudabadaha saameynta dhaqaalaha ee Kubadda cagta waxaa qaadanaya madaxa Guddiga Fulinta ee Manchester City,Ferran Soriano, Madaxweyne ku xigeenka AS Monaco Vadim Vasilyev iyo Guddoomiyaha guddiga fulinta ee AS Roma ,Umberto Gandini.


Tababaraha xulka China Lippi, Guddoomiyaha Tababarayaasha Pierluigi Collina iyo Guddoomiyaha garsoorayaasha ee Bundesliga , Felix Brych ayaa iyana Khamiista jeedinaya khudbadaha Tignolojiyadda iyo horumarka ay ku kordhisay Kubadda Cagta.


Francesco Totti, Carles Puyol iyo Ciyaaryahanka Imaaraadka ee Ismail Matar,ayaa khamiista jeedinaya khudbadda marka aad ka fariisato kubadda cagta kaddib waxa ay kaa mudanyihiin dhallinyarada casrigan.


Shiran 27-28ka Bishan oo Arbacada iyo khamiista soo socota ayuu ka furmayaa Dubai,waxaana isku arki doona halyeeyo saameyn muuqata ku leh kubadda Cagta Caalamka.


W/Q:Adam Showqi.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip