Ciyaaryahan ka baxsaday Boko Haram oo u ciyaaraya Qaranka Nigeria!

0
Monday December 25, 2017 - 10:04:30 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan ka baxsaday Boko Haram oo u ciyaaraya Qaranka Nigeria!

    Isniin,Abuja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin,Abuja

Nura Mohammed,waxaa uu ku dhashay kuna barbaaray Magaalada Maiduguri, ee Gobolka Borno, Dalka Nigeria.


Waxaa uu labadiisii waalidba waayay isaga oo lix jir ah,waxaana uu aad u jeclaa Kubadda Cagta.


Waxaa uu dhibbane u noqday Boko Hara moo saaxiibadii ay xaafadaha iskula ciyaari jireen xoog ku askareeyay.



Isaga waxbadan ayaa la isku dayay mana aysan suuroobin in Boko Haram ciidan ahaan u qoroto.


Intii uu joogay Borno waxaa uu la kulmayay hanjabaadyo,waxaana inta badan gaareysay geerida saaxiibadii oo ama is qarxiyay ama dagaal ku dhintay.


Tababaraha xulka Gorgorrada ee Nigeria Salisu Yusuf,ayaa hseegay in uu kooxaha heerka hoose ku dhex arkay xiddigan oo aad u ciyaar wanaagsan.


Waxaa uu ku guuleystay in uu quluubta tababare Salisu Yusuf,waxaana uu dhowr jeer ciyaaray tartamo heer goboleed ah oo Federaalka Nigeria ah.

Sidoo kale xulka Nigeria ayuu hadda u diiwaangeshan yahay,waxaana uu ka mid noqonayaa ciyaartooyda xulka Gorgorrada ku matalaya Koobka Adduunka ee 2018,kaas oo ka dhacaya Dalka Ruushka.

Wxaaa uu xulka mar ku matalaya Ciyaarihii Tartanka CHAN ee lagu qabtay Dalka Morocco,waxaana uu mar uu beddel ku soo galay xulkiisa ka caawiyay labo gool oo uu isaga dhiibay ama caawiyay,iyada oo Nigeria ay kulankaas ku adkaatay 3-2.


Waxaa uu u ciyaari jiray Kooxda El-Kanemi,waana halka tababare Yuusuf uu ka soo arkay,waa xiddig ku fiican booska bidix.


Waxbadan ayaa iska beddelay noloshiisa,waxaana uu hadda ku raaxeysanayaa Kubadda Cagta oo uu u arko halka ugu waansan ee noloshiisa.


Saaxiibkii Muuse oo ay wada ciyaari jireen waxaa uu ka mid noqday dhallinyarada ku baxday Boko Haram,qasab ayaa lagu ciidameeyay hayeeshee isaga waa uu diiday.

W/Q: Adam Showqi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip