Miyuu Liverpool ku biiri doonaa Javier Pastore Bisha Janaayo?

0
Monday December 25, 2017 - 10:19:11 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Liverpool ku biiri doonaa Javier Pastore Bisha Janaayo?

    Isniin-France

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-France





Xidiga Paris Saint Germain Javier Pastore ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu isaga tagi doono kooxda sidoo kalana uu macsalaameeyay saaxiibadiisa kooxda sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Spain.




28-jirkaan heerka caalami ayaa dhibaato ku qaba Parc des Princess madama uusan aheyn mid safka hore kasoo gala shaxda Unai Emery, balse si walba oo ay xaaladiisa tahay wuxuu beeniyay inuu ka dhaqaaqayo kooxda isla markaana ku biirayo Liverpool marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda January.




Javier Pastore kaliya wuxuu kusoo bilowday 8-kulan ciyaaraha horyaalka faransiiska, sidaas oo ay tahay wuu ku faraxsan yahay nolosha Paris.



Isagoo Arintaas ka hadlaayo ayuu  u sheegay wargeyska     Mundo Deportivo.

"Waa been inaan macsalaameeyay saaxiibadeyda kooxda Mar walba waxaan ka fakaraa inaan u ciyaaro kooxdaan, isla markaana waqti walba aan sameeyo waxa ugu fiican”



"Kulamadii dhawaanahaan, wax badan ayaan ciyaaray, waana faraxsanahay, wali waxaan heystaa hal sano iyo bar, waxaana ahay shaqsi aad u dagan”



"Waxaan isha ku hayaa inaan wax badan ciyaaro, waa run. tababaraha ayaa qaata go’aanka anigana waa inaan joogteeyaa hormarkeyga si aan boos uga helo kooxda”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip