Antonio Conte oo Si cad u sheegay inuu u baahan yahay saxiixa Arturo Vidal

0
Wednesday December 27, 2017 - 10:30:52 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte oo Si cad u sheegay inuu u baahan yahay saxiixa Arturo Vidal

    Arboco -England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco -England




Tababare Antonio Conte ayaa qiray inuu wali xiiso u qabo la shaqeynta Arturo Vidal madama uu ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa mar walba inuu dagaal galo isagoo heysta xidiga reer Chile, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli xidigaan lala xiriirinayo inuu isaga tagayo Bayern Munich.




Macalinka reer talyaani wuxuu xiriri aad u fiican la leeyahay Vidal madama uu kusoo maamulay Juventus, sidaas darteed wuxuu doonayaa inuu mar kale la midoobo xidiga tayada wanaagsan ee haatan aan ku faraxsaneyn gobolka Bavaria.



"Maahan wax sax ah inaan ka hadlo wax ku saabsan ciyaartoyda kooxaha kale, July aad bey u fogtahay, balse isla waqtigaas Arturo Vidal waa ciyaariyahan cajiib ah”



"Waxaan sanado badan ku wada qaadanay Juventus. Waxaan dhihi lahaa hadaan dagaal galayo, waxaan u dhaqaaqi doonaa isagoo garabkeyga jooga”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip