Kylian Mbappé oo hawada u mariyay Real Madrid Fariin hanjabaad u muuqato isagoona sheegay in qarka u fuulay Ku biirista Real Madrid!

0
Wednesday December 27, 2017 - 18:54:20 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kylian Mbappé oo hawada u mariyay Real Madrid Fariin hanjabaad u muuqato isagoona sheegay in qarka u fuulay Ku biirista Real Madrid!

    Arboco- France

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arboco- France






Laacibka reer France ee sida amaahda ah ku joogo kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé ayaa wuxuu daboolka ka qaaday xaqiiqada ku aadan in wada hadalo uu la galay kooxda reer Spain ee Real Madrid iyo sida uu ugu dhawaaday garoonka Santiago Bernabéu xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.






Waxaa jiray suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay warar ku aadan in Kylian Mbappé oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 19 jir uu si xoogan ugu dhawaaday xidhashada maaliyada kooxda Los Blancos, laakiin sheekada ayaa u rogan tahay dhinaca kale wuxuuna kadib markii uu go’aansaday xidhishada maaliyada kooxda  Paris Saint-Germain.



Mbappé ayaa la hadlay wargeyska "Marca” ee dalka Spain kahor kulanka ay Champions League-ga kula ciyaari doonaan Real Madrid: "Wada hadaladii aan kula jiray Real Madrid waa arin xaqiiqa ah, laakiin waxay noqotay sheeko hore, gaar ahaan kadib markii aan xirtay maaliyada kooxda Paris Saint-Germain”.



Da’ayarka reer France ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: "Waxaan aadi doonaa Santiago Bernabéu si aan wareega 16-ka Champions League-ga kula soo ciyaarno Real Madrid, waxaan kulankan dooneynaa in aan fariin culus u dirno caalamka oo dhan, si aan Los Blancos kaga soo gudubno wareega xiga ee 8 dhamaadka tartankan”.




Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa isaga beegmay kadib isku aadkii laga sameeyay wareega 16 Champions League-ga ee xili ciyaareedkan 2017/2018, kulankan ayaana ah kulan si xoogan loo wada sugayo xili ay qaar ka mid ah ciyaartoyda labadan kooxood in kulankan uu yahay mid Final ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip