
Xasaasi:Alexis Sanchez oo lagu sawiray garoonka diyaaradaha ee Paris
Arsenal weeraryahankeeda Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay Paris ka hor kulanka kooxdiisa ay la ciyaareyso Crystal Palace.
Sanchez oo kaliya lix bilood ayaa ka hartay qandaraaska uu kula jiro Arsenal, ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Emirates Stadium . Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inuu ka midtahay kooxha xiiseenaayo saxiixa laacibkaan.
Sida laga soo xigtay Get French Football, Sanchez waxaa lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Paris maalinta ka hor kulanka Boxing Day, iyadoo tababare Arsene Wenger uu muddo yar u qabtay.
Wargeyska ayaa sheeganaya in 29 jirkaan uu fasax ka hor ka soo gaaray kulamada soo socda ee Arsenal, laakiin joogitaankiisa magaalada ayaa kaliya sii kordhin doona wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan inuu u wareegayo kooxda Ligue 1 ka dhisan.
Sanchez – oo sidoo kale soo jiidanaya xiisaha Man City – ayaa weli laga filayaa inuu ka soo muuqdo line-upka Arsenal marka Arsenal ay ciyaareyso Eagles ciyaar ka dhaceysa Selhurst Park khamiista.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay dalab u dirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSG Julian Draxler, kaasoo laga yaabo in ay ku badalaan Sanchez hadii uu kooxda ka tago.
Xasaasi:Alexis Sanchez oo lagu sawiray garoonka diyaaradaha ee Paris
paris-Arbaco