
Maxaad kala socotaa qiimaha lagu daawan doono kulanka Super Cup-ka Soomaaliya 2017 Dekedda vs Elman ?
Waxaa berry oo jimco ah garoonak Banaadir ka dhici doona kulanka Super Cup-ka kubadda cagta dalka 2017, waxaana kulankan ku loolami doona kooxaha Dekedda iyo Elman.
Kulan ay manta isgu yimaadeen xiriirka kaasoo oo ay uga hadlayeen ciyaartakaa damabaysta koobka Super ee dalka, ayeey xiriirka go’aamiyeen in dadweynaha ay si bilaash ah . lacag la’aan ah ku daawan karaan kulanka.
Bahda jecel ciyaaraha ayaa kulanka Super oo ah kulanka ugu xiisaha badan ku daawan jiray 20,000 sh . Somali ama 10,000 mararka qaar , basle markan ayaa go’aamiyey inaan wax lacag ah lag qaadi doonin.
Kulanka aya dhex mari doona Dekedda oo horyaalka haysata iyo Elman oo kusoo guuleysatay koobka Jeneral Daa’uud, waxuuna 3:30 ka dhici doona garoonka Banaadir.
Maxaad kala socotaa qiimaha lagu daawan doono kulanka Super Cup-ka Soomaaliya 2017 Dekedda vs Elman ?
Khamiis- Muqdisho