kaddib guushiisii ,George Weah iyo xiddigo caan ah oo ku kulmay Twitter-ka .

0
Saturday December 30, 2017 - 09:10:38 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kaddib guushiisii ,George Weah iyo xiddigo caan ah oo ku kulmay Twitter-ka .

    Sabti,Minarovia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Minarovia.

Madaxweynaha cusub ee Dalka Liberia George Weah iyo saaxiibadiisii hore ee kubadda Cagta ayaa xalay wacdaro ka dhigay Twitter-ka kaddib markii uu doorashada ku guuleystay.


Weeraryahankii hore ee Reer Ivory Coast iyo Kooxda Cheslea Didier Drogba, Maareeyaha qadka dhexe ee Man City Yaya Toure iyo Rag kale ayaa Twitter-ka uga hambaleeyay Weah guusha uu ka gaaray Doorashadii ka dhacday dalkiisa.


Sidoo kale kooxaha oo u soo ciyaaray ee Chelsea,AC Milan,Man City,Monocco, PSG iyo kuwo kale ayaa u diray bogaadin.



Weah ayaa ballan qaaday in uu dhira gelinayo Ciyaaraha kaddib doorashadiisa maaddaama uu yahay qof wax badan ka yaqaanna baahiyaha Bulshada.


Waxaa uu markii hore dhigay Taariikh cusub oo ahayd in 1995tii uu ku guuleystay Xiddiga Adduunka isaga oo u ciyaarayay Milan,waxaana uu noqday xiddigga kaliya ee Afrika oo abaalgudkaas hela.


Hadda waxaa uu noqday xiddigii ugu horreeyay Caalamka oo dhan ee Kubadda Cagta ciyaaray oo madaxweyne ka noqda dal ka mid ah Caalamka.


Waxaa jiro xiddigo kubadda Cagta soo maray oo xilal kala duwan soo qabtay hayeeshee ma jiro nin noqday Madaxweyne.


Xiddigaha la xusuusto ee darajada siyaasadeed gaaray waxaa ka mid ah; Daaficii hore ee Kooxda AC Milan Kakha Kaladze oo u dhashay dalka Georgia, kaas oo noqday Guddoomiyaha Caasimadda dalkaasi ee Tbilisi,sidoo kale waxaa uu noqday Wasiirka Tamarta ee Georgia,Weeraryahankii hore ee Brazil Romario ,ayaa noqday Sanatar ka tirsan aqalka sare ee dalkaas.


Dadka kale ee Ciyaaraha Kubadda cagta ku luglahaa Madaxda siyaasadeed noqdayna waxaa ka mid ah Milkiilaha AC Milan Silvio Berlusconi iyo Madaxweynaha hadda ee dalka Argentine Mauricio Macri, oo ahaa Madaxweynihii hore ee Kooxda Boca Juniors.


W/D:Adam Showqi

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip