Saxiixyadii Ugu Wanaagsanaa Sanadka 2017 Oo La Shaaciyay+Sawirro

0
Saturday December 30, 2017 - 16:23:42 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxiixyadii Ugu Wanaagsanaa Sanadka 2017 Oo La Shaaciyay+Sawirro

    Sabti- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Yurub


Waxaa sii dhamaanaya sanadka 2017 oo sacado oo kaliya ay ka harsanyihiin warsidaha Marca oo Madrid ka soo baxa ayaa maanta bogiisa hore ku daabacay saxiixyadii ugu wanaagsana ee ka dhacay suuqa kala iibsiga qaarada yurub sanadkan dabayaaqada ku sii dhaw ee 2017.

 

Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint Germain ayaa ahaa kuwii lacagaha ugu badan ku bixiyay suuqa xagaagii la soo dhaafay kooxaha ay leeyihiin maal qabeenada carbeed ayaa suuqa galiyay qarashaad fara badan laakiin bandhigooda ayaa xiligan laga dheehanayaa qarashaadka ay is galiyeen.

 

Hada waa kuwee shantii saxiix ee ugu wanaagsanaa sanadkan 2017?

Image result for neymar


 

1#Neymar

 

Kubad sameeyaha heerka caalami ayaa afartii Augusta sanadkan sii dhamanaya ee 2017 go’aansaday in uu deegaan cusub u jiheeyo mustaqbalkiisa ciyaareed wuxuuna aduun dhan 222 Milion ugu biiray kooxda ka dhisan France ee Paris Saint Germain waxaana uu noqday ciyaariyahanka ugu qaalisanaa ee taariikhda lakala iibsado.

Image result for mbappe

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2#Kylian Mbappe

 

Da’yarkan reer France oo lagu sheego Theiry Henry ayaa nasiib u yeeshay in uu ku soo baxo mid kamid shantii saxiix ee ugu wanaagsanaa 2017 markii qaab amaaha ugu wareegay kooxda PSG isagoo ka soo dhaqaaqay kooxda Monaco oo xili ciyaareed wanaagsan uu la qaatay waxaana xusid mudan in kooxdaasi sanado badan kadib uu ku hogaamiyay hanashada horyaalka France.

Image result for dembele

 

 

 

3#Ousmane Dembele

 

Dembele oo ah midkamida ciyaartooyda da’yarta ah ee ugu wanaagsan kubada cagta ayaa kamid ahaa shantii saxiiix ee ugu muhiimsanaa ee laga sameeyay qaarada yurub sida ay garawsatay Marca waxaana uu ku biiray Barcelona halka uu boorsooyinkiisa bishii Augusta ee sanadkan uu ka soo qaatay kooxda Borussia Dortmund laakiin xidigan ayaan Barcelona la qaadan waqti qurxoon wali dhaawac ayuuna kooxdaasi kaga maqanyahay.

Image result for james rodriguez

 

 

 

4#James Rodriguez

 

Xidiga qadka dhexe ee Colombia iyo Bayern Munich ayaa soo galay liiska shanta saxiiix ee ugu wanaagsanaa 2017 Real Madrid ayuu Bayern Munich kaga soo dhaqaaqay amaah uu laba sano ku joogi doono Alianz Arena kooxda ka dhisan gobolka Bavarian ayaana aad ugu faaiiday xidiga Colombia ee James Rodriguez.

Image result for ederson moraes

 

 

 

5#Ederson Moares

 

Ederson waa goolhaye xagaagii ayuu ka soo dhaqaaqay kooxda Benfica ee horyaalka Portugal Manchester City ayuuna kamid noqday markii 40 Milion faraqa loo galiyay kooxdiisii hore ee Benfica waxaana uu noqday goolhayihii labaad ee taariikhda ugu qaalisanaa kubada cagta marka laga soo tago Gianluigi Buffon oo 52 Milion ugu soo dhaqaaqay Juventus sanad ciyaareedkii 2001.

 

 

 

Waxaa jiray sanadkan 2017 saxiixyo kale oo waaweyn kuwaa oo ka dhacay qaarada yurub laakiin Marca ayaa qiimeyn ay sameysay shantan xidig u garatay in ay ahaayeen saxiixyadii ugu wanaagsanaa kubada cagta sanadka sii dhamaanaya ee 2017.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip