James Rodriguez oo sheegay in Horumarkiisu uu ka socon waayay Zidane, xataa isagoo goolal dhalin karay!

0
Saturday January 06, 2018 - 14:24:11 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Rodriguez oo sheegay in Horumarkiisu uu ka socon waayay Zidane, xataa isagoo goolal dhalin karay!

    Sabti--Munich

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti--Munich

Bayern Munich xiddiggeeda James Rodriguez ayaa dhaliil u jeediyay Real Madrid macallinkeeda Zinedine Zidane kaasoo uu ku dhaliilay in uusan fursad siinnin isaga.


Laacibka dalka Colombia ayaa hadda amaah kula jooga kooxda reer German, wuxuuna sheegay in kalsoonida laga siiyay Bayern aysan aheyn mid uu ka helay Real.


Rodriguez ayaa wuxuu sheegay in macallinka waqtigaan ee kooxda Bayern Jupp Heynckes uu yahay nin aad u Qaddariya Ciyaartoyda, taasina waxay keeni kartaa sida uu sheegayo in horumar uu ka sameeyo kubadda cagta.



"Fursaddii aan isku soo bandhigi lahaa kama aanan Helin Macallin Zidane, wax walba oo aad tahay waxaa la ogaan karaa marka safka joogtada ah lagu siiyo, Markii la I safo, waan dhalin jiray, waana Caawin jiray goolashaā€¯ ayuu yiri James.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip