Haddii Coutinho uu ku biiray Kooxda Barcelon, Eden Hazard oo isna ku wajahan Kooxda Real Madrd !

0
Sunday January 07, 2018 - 11:51:11 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Coutinho uu ku biiray Kooxda Barcelon, Eden Hazard oo isna ku wajahan Kooxda Real Madrd !

    Axad - England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad - England





Xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa go,aan weyn ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda difaacanaysa Premier League ee chelsea xilli uu xiiso waali ah oo indha tir ah ka helayo kooxda Real Madrid.





Kabtanka xulka qaranka Belguim ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaw yahay in uu iska indha tiro kooxda Real Madrid kooxdiisa chelsea-na u saxiixo heshiis ka dhigaya xiddiga ugu mushaharka badan Premier League.



Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa joojiyay heshiis uu ku qaadan lahaa 300 oo Kun oo Gini todobaadkii isaga oo ku rajo weynaa in ay ka caawinayso in uu u dhaqaaqo Real Madrid.

Xiddiga ayaa ah bartilmaameed wakhti dheer ah kooxda Real Madrid waxana ay diyaar u yihiin in ay lacag dhan 120 milyan miiska u saarto si ay u keento xiddiga caasimada Spain.



Blues ayaa dhankeeda wadahadalo kula jirtay wakiilada Hazard tan iyo xagaagii si ay uga saxiixdaan heshiis cusub ugana dhigaan xiddiga ugu mushaharka badan Premier league.



Chelsea ayaa doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixato Hazard inkasta oo uu heshiiskiisa haatan kooxda ku sii haynayo ilaa 2020 si ay meesha uga saaraan xiisaha kooxda reer Spain.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip