Yaa Hoggaaminaya Gooldhalinta horyaalka Kubadda Gacanta Wiilasha 3-da Kaalin ee u horreysa

0
Sunday January 07, 2018 - 12:05:23 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Hoggaaminaya Gooldhalinta horyaalka Kubadda Gacanta Wiilasha 3-da Kaalin ee u horreysa

    Axad--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Muqdisho

Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya ayaa Kulamadiisa Wareegga labaad waxay billaaban doonaan maalinta Isniinta ah, waxaana horyaalka Wareeggiisa hore wacdaro ka sameeyay xiddigo ka tirsan kooxaha heerka hore ee horyaalka Wiilasha.


C/fitaax Maxamed Macoow oo ka mid ah xiddigaha kooxda Heegan ayaa Sanadkan u muuqda mid aan loosoo dhowaan karin, dhanka dhaliska Goolasha tartanka kubadda gacanta, wuxuuna horyaalka Wareeggiisa hore ka dhaliyay 54 gool.



Booska Labaad dhanka kala sarreynta Gooldhalinta, waxaa ku jira laacibka Cali Maxamed Aadan, oo isla Heegan u ciyaara, wuxuuna ka dhaliyay Horyaalka wareeggiisa hore 44 Gool.


Kala Sarreynta Horyaalka waxaa Goolasha ugu badan kaalinta 3-aad kula jira laacibka Axmed Cumar Axmed, Dekadda ayuu ka tirsanyahay, wuxuuna dhaliyay 34 Gool.


Kulamada ilaa hadda la ciyaaray waxay ahaayeen 5 Kulan, laacib walba ayaana goolashaas ku dhaliyay 5-taas kulan.


Sida loo kala horreeyo:-

Cabdifitaax Maxamed Macoow Heegan 54 Gool

Cali Maxamed Aadan Heegan 44 Gool

Axmed Cumar Axmed Dekadda 34 Gool




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip