Aqriso 9-kii oraah ee ugu cajiibsanaa kubadda cagta sanadki 2017

0
Sunday January 07, 2018 - 12:31:25 in Wararka by
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqriso 9-kii oraah ee ugu cajiibsanaa kubadda cagta sanadki 2017

    Axad- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- England


2017- waxaa uu ahaa sanad kale oo aad u qurux badan marka loo eego kubad cagta. Waxaa jiray dhacdooyin waa weyn oo soo jeedadho lahaayeen. Kuwaas oo ku saabsan taariikhyo.


 

Ciyaaryahaano waa weyn oo kubadda cagta iska fadhiisteen. Real Madrid oo noqotay kooxdiisa ugu horeesay ee Champions League daafacata ama labo jeer oo xariira qaada. Neymar oo si lama filaan ah u faarujiyay Camp New iyo PSG oo rikoor aan caadi eheen ka dhigtay daaqada kala iibsiga.



 

 

Halkaan waxaan kusoo gudbinaysaa oraahyadii ugu caansanaa ee la jeediyay sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2017- iyo waxyabaahii layaabka lahaa.


 

9- "Manchester United qarashka eey gashay kuma filna" oraahdaasi waxaa laga qabtay Mou oo naanays ahaan caan ku ah "Speacial One"


 

 

Waxaa uu yiri. "Waxaan ku guda jirnaa xili ciyaareydkii labaad. Anagoo iskudayayna inaa dhisno koox aan kamid eheen kuwa ugu wanaagsan caalamka. Manchester City waxay soo iibsatay labo daafac iyo weeraryahaano"


 

Intii Mourinho uu joogay. Old Trafford ayaa waxaa soo cagadhigteen Lukaku. Pogba iyo Matic. Mou ayaa la weydiiyay inee ku filantahay kooxdiisa qarashkaasi. Waxaana uu ku jawaabay.


 

" naguma filna. Qiimaha kooxaha waa weyn. Qiimaha kooxaha waa weyn waa uu ka duwanyahay kooxaha kale"


 

8-. Zlatan Ibrahimovic oo lagu yaqaano inuu yahay mid kamid ah ciyaaryahaanada hadaladooda aad loo xiiseeyo ayaa laga laga qabtay oraah caan ah markuu kusoo laabtay dhaawac muddo dheer oo uu kumaanaa.


 

 

Zlatan ayaa sida caadiga ah isku arka inuu yahay libaax balse uusan eheyn bini'aadam. Lama oga hadalada qaar ee ninka Sweden kasoo jeeda kasoo yeeraya ineey run katahay ama uu ku kaftamo.

Balse waxaa uu yiri.

 

" Waa idin sheegay. Libaaxyada uma soo kabsadaan sida bini'aadamka. Taasi oo aan hada cadenaayo. Waxaan ku faraxsanahay inaan awoodo inaa cararo ama ordo isla markaasina samaysto wax yaabahayga.

 

 

7-Xabi Alonso oo kubadda cagta iskaga fadhiistay.

 

Waxaan shaki kujirin inuu ahaa mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaa kubada cagta xiligiisa.

 

 

Alonso waxaa ku wehliyay 2017-ka in kubada cagta laga fadhiisto ciyaaryahaano caan ah. Waxaa kamid ahaa. Kabtankii Bayern Munich Phillep Lah iyo kubad sameeyahii hore kooxaha. Inter. Milan iyo Juve A. Pirlo.

 

 

Alonso ayaa oraah ahaan waxaa uu karagay sanadkii idlaaday. " Lived it. Loved it. " oo macnaheedu yahay " Waan ku dhex noolaa, waana Jecclaaa taasoo laga garan karo waxa ay kubadad cagta uga dhigan tahay.

 

 

6- Wayne Rooney ayaa noqday ciyaaryahaanka ugu goolasha badan taariikhda Manchester United. Asigoona ku garaacay Sir Baby Charlton kaas oo ku dhawaad 40-sano ahaa shaqiga ugu goolasha badan Old Trafford.

 

Ma fududa inaa imaado koox weyn isla markaasina muuda 10-sano aa ku noqoto shaqsiga ugu goolasha badan taariikhda kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee,Markii Rooney uu noqday xidiga ugu goolasha badan kooxdiisa. Sir Alex oo ahaa macallinkii Rooney keenay Old Trafford ayaa si weyn ugu amaanay guusha uu gaaray xidiga.


Sir Alex oraah ahan waxaa laga qabtay.

 

"Markii Rooney uu kusoo biiray kooxda marnaba maanan qiyaasin in ciyaaryahaan uu Bobby ku garaacaayo rikoorka gool dhalinta. Sidaasi daraadeed waa guul weyn. Waa mid cajiib ah. 200gool ayuu kudhaliyay kulumo kayar Bobby. Taasi xataa waa mid aad cajiib u ah. Uma malaynaayo inuu qof uu kaqaadi karo Rooney"


 

5- Tinkerman oo shaqadiisa ku lumiyay si cajiib ah. Waxaan dareemi karaa cidina ineeysan u garaneen magacaasi. Balse aan ku siiyo magaciisa waa Claudio Ranieri.


 

Hubaashii waxaa uu suura galiyay waxaan macquul eheen markaa dib ugu laabano sadax sano kahor markii uu Premier League si cajiib ah u qaaday.


 

Mourinho ayaa si weyn ugu xumaaday in Claudio Ranieri shaqada laga cayriyo.


 

Mou ayaa laga qabtay 2017-kii oraahyo waa weyn oo la xasuusan doono. Waxaana uu yiri. " waxa uu u qaldamy garoonka Leicester City in loogu magac daro Claudio Ranieri stadium. Waxa ugu quruxda badan Premier League iyo waxa ugu wuruxda badan kubada cagta caalamka."


 

 

Sidoo kale Claudio Ranieri ayaa asagana dhankiisa yiri. " shalayto riyadayda waa ay geeriyootay. Kadib xili ciyaareydkii hore dabaalgadii kuguulaysiga Premier League. Dhamaan riyadayda waxaa ay aheyd inaan joogo Leicester. Kooxda aan jeclahay. Had iyo jeer.nasiib daro taasi manoqon.


 

4John Terry oo iskaga tagay kooxdiisa Chelsea oo muddo dheer lajoogay. Hubaal waxaa uu ahaa xidig kubada cagta ku weyn. Qaasata kooxda Chelsea.


 

"Ciyaaryahaan ahaan mar walba waad ku yaabaysaa marka malinta ugu dambeeso ee timaado. Maanta waa maalintaasi. Kooxda waxay kadhigantahay wax walboo aniga ah. Waad ku mahadsantihiin mar walba inay ugu filnayeen taageerayaasha. Waxay kuheesayeen magacayga xiliga xun iyo waqtiga fiicanba" ayuu yiri Terry.


 

3-Advocaat's oo ahaa macllinkii Holland kareebay koobka aduuunka ayaa si layaab leh ugu hadlay mar wax laga weydiiyay xulka Sweden oo ay loolan kula jireen isreeb reebka koobka aduunka.


 

Advocaat ayaa u hadlay si aan taxadir laheen xili ugu dambeyntii uu kashalaayay. " kuma guulaysan karaaan 8:0. Alla maxay tahay su'aal nacaseed. 8:0? Hagaag. Maya. Ma'aaminsani midaa"


 

2waxyaabaha madadaalada lahaa waxaa kamid ah ahaa. Eraygik caan baxay ee " Se Queda" kaas oo ah luqad Spain balse u dhiganta "waa uu joogayaa"


 

Asal ahaan eraygaan waxaa uu soo caan baxay saxaafada markee isla dhax martay Neymar inuu katagaayo Barcelona. Pique ayaa bartiisa soo dhigay sawir asaga iyo Neymar ah. Waxaa uu soo raaciyay. " Se Queda" "waa uu joogayaa"


 

1" waxaan ahay ciyaaryahaanka ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta" oraahdaan ama hadalkaani waxaa laga qabsatay Cr7.


 

Hubaashii waa lagu kala argti duwanyahay shaqsiga ah ciyaaryahaanka ugu fiican taariikhda kubada cagta.


 

Qaarbaa u arko Messi inuu yahay kii ugu wanaagsanaa kubada cagta. Halka dadka qaar aamisanyihiin Ronaldinho. Balse haka reebin waaya joogii hore qudhooda Maradona iyo Pele inee u kala arkaan kii ugu wanaagsanaa ee kubad darbeeya.


 

Isku soo wada duub. Ciddna si buuxdo uma sheegi karto kan ugu wanaagsan ee kubad darbeeya. Balse Ronaldo Cr ayaa nafsadiisa u arko inuu yahay kan ugu wanaagsan taariikhda kubafa cagta.


 

Asigoona yiri. " waxaan ahay ciyaaryahaanka ugu fiican taariilhda kubada cagta. Xiliyadda wanaagsan iyo xiliyada xun. Waan ixtiraamayaa qof walba doorkiisa. Laakiin waligay ma arag qof iga wanaagsan aniga. Had iyo jeer waxaan u maleeyaa inuusan jirin ciyaaryahaan kubada ciyaara kas oo sameeyay waxaa aniga sameeyay. Majiro ciyaaryahaan aniga iga dhamaystiran. Waxaan si wanaagsan ugu ciyaari karaa pabadeeda lugood. Waxaan ahay mid xawaare badan. Xoog badan. Madaxa aad ugu wanaagsan. Waxaan dhaliyaa goolal. Waxaa sameeyaa caawinaad badan. Waxaa jiraan ciyaaryahaano wanaagsan Neymar ama Messi. Laakiin waxaan kuu sheegayaa. Ineesan jirin ciyaaryahaan iga dhamaystiran"


W/D"Owzebio 

 

 

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip