Dekadda & Feero oo Foodda is daraya, isu soo laabadka Wareegga Labaad ee Horyaalka Kubadda Gacanta

0
Monday January 08, 2018 - 08:23:14 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekadda & Feero oo Foodda is daraya, isu soo laabadka Wareegga Labaad ee Horyaalka Kubadda Gacanta

    Isniin--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--Muqdisho
Kulan Xiiso badan oo Furitaan u ah wareegga 2-aad ee Horyaalka kubadda Gacanta ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhici doonaa Galabta Garoonka Wiish ee Degmada Cabdicasiis.

Ciyaarta Galabta waxaa foodda isku dari doona, kooxaha Dekadda iyo Feero, wuxuuna kulankoodu yahay mid xiiso badan xambaarsan.


Dekadda ayaa ka mid ah Naadiyada Sanadkan doonaya in ay hantaan horyaalka, waxayse la kulantay Jab xooggan kulamadii lasoo dhaafay oo ay mar dharbaaxo kala kulantay kooxda Heegan.



Wareegga hore ee Horyaalka waxaa ku Nasatay hoggaanka kooxda Horseed oo iska Reebtay Heegan, kulankeedii u dambeeyay.


Horseed Sanadkan waxay ciyaartay 5 kulan welina Lama Garaacin, iyadoo ku faaneysa in ay Sanadkan noqon karto Horyaalka Soomaaliya ee Kubadda Gacanta.


Horyaalka Wiilasha ee Kubadda Gacanta ayaa wuxuu si Habsami leh uga Socdaa Garoonka Wiish ee Muqdisho, waxaana kulamadiisa usoo daawasho taga Taageerayaal aad u fara badan oo ah dadka xiiseeya ciyaarahaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip