DARAASAD: Baro xiddigaha ugu Saameynta Badan Afrika, marka ay Bulshada ka hor Muuqdaan, maxaase lagu xushay?

0
Monday January 08, 2018 - 20:32:01 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DARAASAD: Baro xiddigaha ugu Saameynta Badan Afrika, marka ay Bulshada ka hor Muuqdaan, maxaase lagu xushay?

    Isniin--Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--Afrika

Adduunyada Casriga ah dadka Caanka ka ah waxay aad ugu tartamaan Baraha Bulshada iyo Saameynta ay ku leeyihiin, waxaa jira in Xiddigaha Qaaraddan Afrika ay ka mid yihiin Ciyaartoyda Saameynta weyn ku leh Baraha ay dadku isugu yimaadaan ee ku xiran Adeegsiga Internet-ka.


Mohammed Salah ayaa ah laacibka Qaaraddan Africa ugu shacbiyadda badan, marka la fiiriyo Baraha Bulshada waqtigaan, wuxuuna Sanadkan wada heystaan Laacibka Qaaradda Afrika Abaalmarintiisa uu bixiyo Caf iyo tan BBC-da Shirkad laga leeyahay dalka Germany ayaa waxay Cilmi Baaris ka sameysay horumarka xiddigaha Afrika ay ka sameynayaan Baraha Bulshada waxaana la yiraahdaa, Result Sports.



Salah ayaa haddaba ugu sarreeya 60-ka Xiddig ee Qaaradda Africa ugu adeegsiga badan Baraha Bulshada, wuxuuna heystaa18, 107, 322 oo taageere, waxaana ku xiga Didier Drogba oo leh 16, 306, 174 sidoo kale waxaa xiga Samuel Eto’O oo leh 12, 871, 174.


Xiddigga kooxda Liverpool ayaa leh 7.6m oo taageere bartiisa Facebook, 6.7m barta Instagram iyo 3.7m Barta Twitter wuxuuna sii wadaa kobac dhanka Taageerayaasha ah oo uu sameynayo.


Salah ayaa Jimcihii hore noqday laacibka sanadka ee Afrika, mar Abaalmarinta lagu siiyay Accra, Ghana ayuu ku helay Liverpool wiilka ay ka wada tirsanyihiin, Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo uu ku garaacay Caasimadda Ghana isagoo noqday ninka ugu taageeraha badan:


"Hanashada abaalmarintan waa Riyo Rumowday – 2017 waxay aheyd Sanad aysan suuragal aheynba,” waxaa yiri Salah keddib hanashadiisa abaalmarinta.


"Tani waa Abaalmarin weyn dhankeyga, waqti gaar ah oo aan xasuusan doono. Waxaan jeclahay in aan ku dhiirri geliyo dhammaan carruurta Africa iyo Egypt.


"Waa in ay riyoodaan, waana in aysan joojin Aaminaadooda.”


Sida xiddigaha Qaaradda Afrika Shacabka ugu leeyihiin, Facebook, Twitter iyo Instagram:

Halyeeygii xulka Masar, Mohammed Abou Trika ayaa si la yaab leh ku fadhiya kaalinta 4-aad wuxuuna leeyahay 11, 717, 497 oo taageere.


Borussia Dortmund iyo Gabon Star, wiilkooda Pierre- Emerick Aubameyang wuxuu fadhiyaa booska 5-aad isagoo leh 7, 132, 216 oo taageere.


Kevin-Prince Boateng, Mohammed E-Neny oo ka tirsan Arsenal iyo Egypt, wiilkeeda Ramadan Sobhi oo la jira Stoke City, Leicester iyo Algeria xiddiggooda, Riyad Mahrez oo la raaciyay Eric Baily oo ka tirsan Manchester United iyo Ivory Coast ayaa ka mid ah 10-ka Sare.


Mario Leo, Madaxa Fulinta ee Result Sports ayaa qeexay sababta ay u doorteen in ay Daraasaddaan ka sameeyaan xiddigaha qaaradda Afrika isagoo la hadlayay Super Sport:

"Aadbaan ugu faraxsannahay waana ku faaneynaa in aan sameyno Daraasad heerkaan la eg waxaan soo saarnay xiddigaha Afrika ee Kubadda Cagta Casriga ah kusoo biiray iyo sida ay ugu kala sarreeyaan Baraha Bulshada.”

"Waxaannu dooneynaa in aan horumarinno xiddigaha Afrika, oo aan meesha ka saarno Liididda iyo hoos u dhigga xiddigaha Afrika!”


Waxa in la sheego mudan waa 60-ka laacib in ay ku jiraan 17 ciyaartoy oo Masar u dhalatay, 4 kuwaas ka mid ahna ay ka mid yihiin 10-ka sare.

Dal walba inta laacib ee uu ku leeyahay 60-ka Laacib ee ugu sarreysa Afrika Shacbiyadda Baraha Bulshada

17-Egypt

6 – Ghana, Morocco

5- Ivory Coast, Algeria

4- Senegal

3- Nigeria, South Africa

2 –Cameroon, Congo DR, Tunisia

1-Gabon, Kenya, South Africa, Tanzania, Togo, Tunisia

Waxaa Turjumay: Muuse Cabdi Cabdulle

Aqoontu@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip