Napoli iyo Inter Milan oo isku heesta Saxiixa Gerard Deulofeu

0
Tuesday January 09, 2018 - 22:17:01 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Napoli iyo Inter Milan oo isku heesta Saxiixa Gerard Deulofeu

    Talaado- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- England





Napoli ayaa xiriir toos ah la sameysay Barcelona si ay ugala hadasho iibsiga Gerard Deulofeu, sida ay sheegeyso Sky Sport Italia, laakiin ciyaaryahanka ayaa doorbidaya Inter.





Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaan looga baahneyn Camp Nou ka dib markii Blaugrana ay 120 milyan euro ku qarashgareysay Philippe Coutinho.




Wargeyska Isbaanishka Sport ayaa soo jeedinaya in Deulofeu uu jeclaan lahaa Inter, laakiin Barcelona ayaa ku tiirsan Napoli, sababtoo ah waxay doonayaan inay iibiyaan halkii ay amaah ku doonayeen inay iibsadaan.




Haatan Sky Sport Italia ayaa ku warameysa in Napoli ay sameysay qorshe rasmi ah oo ay ku bilaabi laheyd wadahadalada Barça iyo qiimaha ay ku iibsan lahaayen oo gaaray € 15-20milyan.




Deulofeu wuxuu waayo aragnimo u leeyahay Serie A isagoo lix bilood oo amaah ah ku qaatay Milan xilli ciyaareedkii hore.


W/ D Maankiz


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip