Antonio Valenica oo si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxda Manchester United

0
Wednesday January 10, 2018 - 14:48:52 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Valenica oo si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxda Manchester United

    Arbaco- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Manchester



 

Antonio Valencia oo si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Manchester United kadib markii uu ksoo kabtay dhaawac uu garoomada uga maqnaa.


Antonio Valencia oo garabka midig ee daafaca uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa qeyb ka noqday xidigaha u safray magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaas oo ay kooxdu dhowr maalmood tababar ku sameyn doonto.



Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsnyahay soo laabashada uu tababarka dib ugu soo laabtay madaalihiisa reer Ecuador oo garoomada ka maqnaa tan iyo 17 December xilligaas oo uu ku dhawacmay kulan ciyaareed kooxdiisu ay 2-1 kaga adkaatay kooxda West Bromwich Albion.


Antonio Valencia oo aan ciyaarin Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kooxdiisu ciyaartay ayaa hada la rajeenayaa inuu dib usoo laabto kulan ciyaareedka habeynka Isniinta kooxdiisu ay wejihi doonto kooxda Stoke City.


W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip