Chelsea iyo Arsenal yaa badiyey?

0
Thursday January 11, 2018 - 00:58:59 in Wararka by Ak Caqil
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea iyo Arsenal yaa badiyey?

    Khamiis — London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis — London


Kulankii Semi-finalka ee Carabao Cup ama League Cup-ka Ingiriiska ee u dhaxeeye Chelsea oo Arsenal marti qaaday ayaa ku soo gabo gabooway goor dhaw Garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.




Kulanka ayaa ahaa mid u muuqday in Chelsea ay u soo diyaar garoowday markaa fiirisid Arsenal iyo shaxda ay Chelsea la timid garoonka. Arsenal ayaase muujisay dadaal gaar ahaan xiddigeeda Iwobi oo u muuqday xiddiga ciyaarta qeybtii hore waxaana lagu kala nastay 0-0 qeybtii hore. Arsenal oo ay ka maqnaayeen xiddigaha Ozil oo aan xitaa keyd ku jirin iyo Alexis Sanchez oo lala xiriirinaaye inuu Manchester City ku biiri doono ayaa asigana keyd-ka halka daafaca Arsenal ay ku soo biloowdeen Chambers iyo Holding hadana Hazard iyo saaxiibadiis ayaa qeybtii hore wax gool ah ka dhalin waaye.




Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dar dar xoogan ay Chelsea la soo gashay waliba kadib daqiiqadii 60-aad markii Willian lagu keenay badal waloow aysan natiijada wax badan ka badalin ciyaarta ay la timid Chelsea waxaana ay ku soo idlaatay 0-0 waloow todobaadka dambe ay Emarates ku booqan doonaan Arsenal oo loo marti doono markeeda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip