War cusub Arsenal oo Wenger ku badalaysa macalin weyn oo Chelsea hore u soo leeyliye iyo PSG

0
Thursday January 11, 2018 - 01:18:30 in Wararka by Ak Caqil
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War cusub Arsenal oo Wenger ku badalaysa macalin weyn oo Chelsea hore u soo leeyliye iyo PSG

    Khamiis————-London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis————-London


Carlo Ancelotti ayaa midka ugu cad cad ee shaqada ka badali doono macalinka Kooxda Arsenal ee Arsene Wenger dhamaadka xilli ciyaaredkaan marka uu Kooxda iskaga hayaamo macalin Wenger. 



Macalinkii hore ee Kooxaha AC Milan, Paris, Juventus, Real Madrid, Chelsea iyo Bayern Munich ayaa lala xiriirinaayaa inuu shaqada badalo macalinka ruug cadaaga ah ee Wenger dhamaadka xilli ciyaareedkaan sida laga soo xigtay majalada Evening Standard.



Wenger ayaa saxiixay qandaraas cusub oo labo sano ah 2017-kii bishii May balse Arsenal ayaa ka walwalsan in macalinka muddada fog joogay inuu go’aansadaa inuu Kooxda iskaga tagaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.



Haduu sidaas sameeyaa kadib Ancelotti oo ay iska ceerisay Bayern Munich bishii September ee sanadkii tagay ayaa ah qofka koowaad ee qaban doono Arsenal tiiyo ay jirto in macalinka reer Talyaani ay macquul tahay inuu dib ugu laabtaa Kooxda ay colwadaagta yihiin ee Chelsea hadii Antonio Conte uu iskaga hayaamaa garoonka Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkaan kaas oo lalal xiriirinaayo inuu iska tagi karo Kooxdiisa Chelsea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip