Goolhayihii Liverpool oo geeriyooday!

0
Thursday January 11, 2018 - 15:32:37 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhayihii Liverpool oo geeriyooday!

    Khamiis,Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis,Liverpool

Tommy Lawrence; oo ahaa goolhayihii hore ee Kooxda Liverpool ayaa ku geeriyooday da’da 77 Sano kaas oo isaga oo 17 jir ah ku biiray Kooxda Liverpool.


Xiddigan waxaa uu Kooxda Liverpool ku biiray Bishii October 1957,isaga oo u dabaal degayay dhalashadiisii 17aad.


Waxaa uu Kooxda Liverpool u saftay kulankiisii ugu horreeyay Sanadkii 1962, shan sano kaddib saxiixiisii 1aad ee Kooxda,waxaana uu noqday mid ka mid ah goolhayayaashii ugu wanaagsana The Reds.



Intii uu shabaqa Liverpool waardiyaha ka ahaa waxaa uu ku guuleystay labo Horyaal iyo kooxda oo markeedii ugu horreysay qaadday FA-ga England.


Sanadkii 1971,yuu Lawrence,ka tagay Liverpool waxaana uu ku biiray Kooxda Tranmere Rovers ,isaga oo ka sii aaday kooxda ciyaal bacaadka ah ee Chorley.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip