Falanqeynta: Leicester vs Chelsea Blues oo dooneysa inee ku soo laabato booska 2aad

0
Saturday January 13, 2018 - 08:41:40 in Wararka by Abdirahman Abduqadir Maankiz
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta: Leicester vs Chelsea Blues oo dooneysa inee ku soo laabato booska 2aad

    Sabti- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- England





 
Kooxda chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta kooxda Leicester city kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka Premier league.




Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay ku soo laabato wadada guusha kadib bar-barihii ugu dambeeyay ee ay la gashay kooxda Arsenal kulankii Leageu cup-ka.



Dhanka kale kooxda dacawooyinka lagu naaneeso ayaa doonaya in ay ka aarsadaan kooxda difaacanaysa horyaalka oo garoonkooda ku soo garaacday lugtii hore.

-WARBIXINTA KULANKA


Kulanka: Chelsea Vs Leieeter city


 
Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 06:00Pm

Garoonka: Stamford Bridge



-XAQIIQOOYINKA KULANK:


 
Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Leicester city premier league.



Antonio Conte ayaa badiyay 25 ka mid ah 30 kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier league, Ma jiro tababare Premeir league ah oo badiyay 30-kiisa ugula ee ugu horeeya horyaalka.



Leicester city ayaa dhalisay ama laga dhaliyay 13 gool 22-kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka ilaa haatan waana kooxda ugu badan ee sidaa samaysa.



Jamie Vardy ayaa dhaliyay goolal badan marka uu ka hor yimaado 6-da kooxood ee ugu waaweyn waana xiddiga ugu badan ee sidaa sameeya 22 gool ayuu ka dhaliyay 41 kulan oo uu ka hor tagay tan ilaa bishii August 2014


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip