Ka hor qaadashadii Bale,Real oo lacag waalli ah ku weysay Messi!

0
Saturday January 13, 2018 - 14:50:00 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka hor qaadashadii Bale,Real oo lacag waalli ah ku weysay Messi!

    Sabti,Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti,Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa isku dayday iney mar bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska Lionel Messi sida laga soo xigtay mid ka mid ah shabakadaha hoos taga shabakadda EIC oo ah urur ay ku midoobeen dhawr majaladood sidoo kalana ay ka shaqeyaan wariyayaal baaritaanka ku xeel dheer.


Qareenka xidigaan reer Argentina ayaa wakiilka xidigaan oo ah aabahiis Jorge Messi ku wargaliyay xiisaha Real Madrid, hadii la dhameeyana uu noqon doono rikoorka dunida kubadda cagta.



Spiegel oo xubin ka ah ururka EIC ayaa ku waramay in lacagta ay Madrid diyaarisay ay aheyd aduun dhan 250 Malyan oo Euro.


Ujeedada Los Blancos waxey aheyd iney bixiyaan aduun dhan 23 Malyan oo Euro sanadkii 2013 ilaa sanadka 2021, sidoo kalana ay bixiyaan hal Malyan oo Euro oo ay u qoondeeyeen aabahiis Jorge.


Los Blancos ayaa waqti hore beenisay arinkaan: "Warbixinadaan waa mid aan si dhab ah u waafaqsaneyn xaqiiqada, waana been abuurā€¯.


Kulanka looga arinsaday wuxuu ka dhacay diyaarad qaas ah, waxaa Lionel Messi matalay qareenkiisa Inigo Juarez, Florentino Perez, agaasimahii ciyaaraha kooxda Miguel Pardeza iyo sidoo kale qareen ka socday Madrid.


Dhacadaan waxey dhacday sanadkii 2013-kii ka hor inta aysan Real Madrid heshiiska suuqa u jabin Gareth Bale.


Spiegel waxey sidoo kale hoosta ka xariiqday in Juarez uu Jorge Messi u sheegay in Real Madrid ay ka balan qaaday iney cadaadis saari doonaan Rajoy, si dhacdada kiiska canshuuraha looga yareeyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip