Eden Hazard oo fariin hoos u dhigtay Premier League -ga ka dhawaajiyey

0
Saturday January 13, 2018 - 16:42:14 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard oo fariin hoos u dhigtay Premier League -ga ka dhawaajiyey

    Sabti-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-


 

Eden Hazard ayaa cadeeyay Coutinho inuuyahay  ciyaaryahaan cajiib ah. Waxaana uu aamisanyahay kubadsameeyaha kubiiray Barcelona in ay u tahay arin u xun horyaalka Premier League.



 

Kooxda Catalan ayaa saxiixa xidigaan kusoo gabagabeesay aduun dhan £142milyan. Iyadoona soo gabagabeesay mudo shan sano ah oo xidiga reer Brazil ku sugnaa horyaalka xamaasada badan ee Premier League.



 

Hazard ayaa si lama filaan ah ugu hadlay tayada Coutinho. Kaas oo muddo dhowr jeer ah fooda is dareen. waxuuna tilmaamay in Premier League uu lumiyay mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaa.

Image result for hazard vs coutinho

 

" Waa wax u wanaagsan asaga. Waa wax u xun Premier League. Maxaa yeelay Coutinho waa mid kamid xidigaha ugu wanaagsan horyaalka" ayuu Hazard u sheegay Sky Sports Newsqoutes.


 

"Waa shaqsi fiican oo aan isla ciyaarnay. Waa ciyaaryahaan cajiib ah. Waxa uu doortay inuu Barca u dhaqaaqo. Ma'ahan go'aan xun marka daacad la'ahaado. Waxaan doonayaa inuu noqdo Coutinho mid kamid ah xidigaha dunida ugi wanaagsan. Kuna raaxaysto waxa uu sameyn karo"


Fariintan ayaa imaaneysa in xilli  ay   Hazard  lala xiriirinayo kooxda Real Madrid  taasoo dhabar jab kale ku noqoneysa  Horyaalka Ingiriiska


W/D: Owzebio




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip