Mauro Icardi oo shuruud adag ku xiray sii joogistiisa Inter Milan

0
Saturday January 13, 2018 - 16:58:04 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mauro Icardi oo shuruud adag ku xiray sii joogistiisa Inter Milan

    Sabti- Milano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Milano

Mauro Icardi oo ay si weyn u xiiseeneyso kooxda Real Madrid ayaa ku hanjabay inuu Inter isaga tegi doono hadii ay ku fashilanto neey usoo baxda koobka Uefa Champions League.


Sida lagu qoray La Gazzetta dello Sport, gool dhaliyaha ree Argentina ayaa u muuqada mid lumiyey kalsoonidii kooxdiisa Inter Milan oo hada ku jirta xaalad aan la isku haleyn karin.


Inakstoo Inter Milan ay hada ku jirto kaalinta seddexaad ee horyaalka talyaaniga hadana marka la eego awoodeeda ciyaareed lama hubo ineey booskan sii fadhin karto.



Icardi oo 24 jira ayaa la sheegay inuu saaxiibadiis u sheegay inuu ka tegi doono Inter hadii ay awoodi weyso ineey usoo baxdo koobka Uefa Champions League.


Mauro Icardi oo ah gool dhaliye sare ayaa hada waxaa raadineysa kooxda Real oo ku dooneysa aduun dhan €110m.


madax weynaha kooxda Real Florentino Perez ayaa Icardi u ballan qaaday inuu sanadkiiba heli doono aduun dhan 12 Milyan iyo inuu xiran lambarka 9-aad ee uu hada qaato Karim Benzema oo ay suuro galtahay inuu kooxda isaga tago.


W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip