DEG-DEG: Liverpool oo Man Utd & Man City ku garaaceysa Saxiixa Alexis Sanchez

0
Sunday January 14, 2018 - 06:55:13 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Liverpool oo Man Utd & Man City ku garaaceysa Saxiixa Alexis Sanchez

    Axad--Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Liverpool


Kooxaha xifaaltanku ka dhexeeyo ee Manchester City iyo Man Utd, ayaa dagaal adag ugu jiray dhowaanahan saxiixa laacibka dalka Chile, balse markaan tartan midkooda ka adag ayaa kusoo baxay.


Kooxda United ayaa isku deyeysa in City as they ay ku garaacdo saxiixa laacibka Arsenal iyadoo adeegsaneysa lacag ka badan midda Pep Guardiola ee ah £20m oo Gani.


Mourinho ayaa sheegay in uu diyaariyay lacag dhan £35m si uu laacibkaan ula wareego, waxaase intaas dheer in uu Mushaar fiican u ballan qaaday.



Waa suuragal in laacibku aqbalo £350,000 toddobaadkiiba Mushaar dhan, Sanchez ayaana noqon doona markaas xiddigga ugu mushaarka badan Premier League.


Macallinka dalka Portuguese-ka ayaa aqbalay in uu soo qaato Sanchez waxayna la macno tahay in uu waayay Gareth Bale iyo Antoine Griezmann oo uu wada raadinayay.


"Haddii ay jirto fursad wanaagsan oo miiska kuusoo fuusha, waa in aad ku dagaallanto in aadan lumin fursaddaas,” ayuu yiri Mourinho.


Kooxda Liverpool ayaa billowday isku day xooggan oo ay kooxaha Manchester uga dulqaadeyso laacibkan, waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in laacibka dalka Chile ay ku darto Safkeeda, sida Daily Star oo England kasoo baxa uu warinayo.


Klopp ayaa hadda doonaya in Manchester oo ay isku hayaan City iyo United iyo xataa Chelsea in uu saxiixa laacibkan kula dagaallamo si Premier League hanashadiisu ugu noqoto kooxda Anfield in ay horyaalka qaadi karto iyadoo aan lacag u qarash gareyn sida kooxaha kale.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip