GALABTA: Horyaalka Kubadda Gacanta Gabdhaha, Horseed vs Gift Star

0
Sunday January 14, 2018 - 10:41:13 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 159
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALABTA: Horyaalka Kubadda Gacanta Gabdhaha, Horseed vs Gift Star

    Axad--Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Muqdisho

Kulan ka tirsan horyaalka Kubadda Gacanta ayaa maanta wuxuu ka dhici doonaa Garoonka Wiish ee Degmada Cabdi-casiis, halkaas oo ay isku fara saarayaan Gabdhaha Horseed iyo kuwa Gift Star.


Kulankaas ayaa noqon doona ciyaar kale oo labada naadi ay kusoo bandhigaan hannaan Ciyaareed heer sare ah, maaddaama sida badan ciyaaraha Gabdhaha ay kusoo idlaadaan Natiijo iyo Buuq la’aan.


Gabdhaha Horseed ayaa ka mid ah kuwa ugu adag horyaalkaas, iyada iyo Heegan ayaana ah labada kooxood ee ugu xoogga badan marka laga hadlo horyaalka Gabdhaha ee kubadda gacanta.



Gift Star oo ka mid ah kooxaha horyaalkan ka qeyb gelaya waxay sidoo kale soo bandhigtay ciyaaro la jecleystay kulamadii lasoo dhaafay, horyaalka Sanadkan ayaana ah mid weli cusub oo waxaa la ciyaarayaa Kulamada Toddobaadkii 2-aad.


Sheekada kulanka

Garoonka: Wiish

SaacaddaKulanka: 04:00pm Galabnimo Waqtiga Geeska Afrika.

Naga filo wixii Natiijo ah oo Sawirro iyo Qoraallo wata.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip