Macalinkii Hore kooxda Leicester City oo sheegay kooxda uu ku biiri doono Lucas Mouro

0
Sunday January 14, 2018 - 11:37:36 in Wararka by
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinkii Hore kooxda Leicester City oo sheegay kooxda uu ku biiri doono Lucas Mouro

    Axad - Franca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad - Franca




Macallinki hore ee kooxda Leicester city ee Claudio Ranieri ayaa sheegay kooxda horyalka Ingiriiska ka ciyaarta uu ku biiri doona   laacibka garabka kaga ciyaara kooxda   PSG Lucas Moura.


 Ranieri ayaatilmaamay  in uu Lucas  uu goor hore go'aansaday   in uu ku biiro kooxda Manchester  United isagoo   diiday  ku biirista   Liverpool oo loo soo bandhigay.




Man United ayaa si weyn loola xiriirinayay Lucas xilli ay kooxda PSG diyaar u tahay in ay xiddiga fasaxdo inta lagu guda jiro bishan.



Xiddiga ayay ku adkaatay in uu daqiiqado badan  u ciyaaro kooxda kadib imaanshihii xiddigaha Neymar iyo Kylian Mbappe ee xagaaga,waxuuna 25 jirkan saftay kaliya   79 daqiiqo  dhammaan tartamada.




Wararka ayaa sheegaay in ay kooxda PSG doonayso in ay xiddiga si toos ah u iibiso halka ay Man United ddoorbideyso  in ay heshiis amaah ah ku hesho    laacib daneynaya inuu  ka qeyb galo  koobka aduunka  oo bisha June ee sanadkan lagu qaban doono dalak Ruushka.


Laakiin waraka ayaa sheegayay in aan ilaa haatan wax horumar ah laga samayn xaalada xiddiga wadahadaladuna ilaa haatan wali socdaa.



Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda Nantes Cloudio  Ranieri  ayaa sheegay in uu xiddiga qalbigiisu jeedo garoonka  Old Traffrodisla markaana iska diiday inuu ku biiro kooxda Anfiled ku ciyaarta.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip