UEFA oo shaacisay kooxda lacagta ugu badan ka hesha taageerayaasheeda,waa tuma?

0
Wednesday January 17, 2018 - 09:36:38 in Wararka by kubadbile news
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA oo shaacisay kooxda lacagta ugu badan ka hesha taageerayaasheeda,waa tuma?

    Arbaco,Brussels

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco,Brussels

Xiriirka kubadda Cagta Qaaradda Yurub ayaa shaaciyay kooxaha lacagta ugu badan ka hela taageerayaashooda iyada oo Xiriirku sameeyay qiimeyn lagu ogaanayay kooxaha kubadda Cagta iyo dakhliga ka soo gala.


Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa noqotay kooxda dhaqaalaha ugu badan ka sameysa Taageerayaasheeda,islamarkaana ay taageerayaasha lacag badan ku bixiyaan kooxdooda.



Warbixinta UEFA waxaa lagu sheegay in Arsenal ay halkii taageeraba ka hesho £74.09, halka kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ay kala galeen kaalimaha 2aad iyo 3aad sida ay u kala horreeyaan.


Chelsea ayaa taageerayaasheeda waxaa ay mid kiiba cel celis ahaan ka heshaa lacag dhan £68.71 halka Kooxda Boqortooyada Yurub ee Real Madrid ay taageerayaasheeda cel celis ahaa ka hesho £55.91,taageerahiiba, Liverpool ayaa soo ciriirsatay kaalinta 4aad,waxaana ay taageerihiiba ka heshaa lacag dhan £55.68.


Arsenal iyada oo sidaas ah waxaa ay hadda ku jirtaa kaalinta 6aad,waxaana ay 23 dhibcood ka hooseysaa kooxda Hoyraalka hoggaamineysa ee Man City.


Halkan ka dheeho kooxaha dakhliga ugu badan ka hela taageerayaashooda,Horyaallada kala duwan ee Qaaradda Yurub.


1 - Arsenal (£74.09)


2 - Chelsea (£68.71)


3 - Real Madrid (£55.91)


4 - Liverpool (£55.68)


5 - Bayern Munich (£54.92)


6 - Man Utd (£53.41)


7 - Barcelona (£51.59)


8 - Galatasaray (£48.64)


9 - Man City (£40.83)


10 - West Ham (£35.30)


11 - Juventus (£33.71)


12 - Tottenham (£33.11 ).


W/D: Adam Showqi

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip