Real Madrid: Boqoradda Taageeraha Fagaaraha Bulshada qiimeynta Uefa, 20-ka Sare kooxdaadu maku jirtaa?

0
Friday January 19, 2018 - 00:07:13 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 1723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid: Boqoradda Taageeraha Fagaaraha Bulshada qiimeynta Uefa, 20-ka Sare kooxdaadu maku jirtaa?

    Jimco--Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco--Yurub

Real Madrid ayaa la tagtay in ay tahay Boqoradda kooxaha ee Baraha Bulshada, sida lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Uefa, oo ah Xiriirka kubadda cagta Qaaradda Yurub.


Website-ka u gaarka ah kooxda, realmadrid.com, waa midka loogu Aqrisiga badanyahay kooxaha Kubadda cagta Ciyaara ee Europe, wuxuuna soo jiitay indhaha in ka badan 8.5 milyan oo Aqriste Bil walba - 3.3 milyan ayeyna ka badantahay tirada Booqata kan Barcelona, oo ah kooxda labaad ee ugu booqashada badan, LaLiga kooxda ka dhisan ayaana Uefa 15-ka ugu sarreysa hoggaamineysa.



Waxaa macno weyn sameynaya, Real sidoo kale in ay tahay naadiga ugu shacbiyadda Badan Baraha Bulshada sida Twitter iyo Facebook, isu geynta labadaas Qaanadood waxay ku leedahay 133 milyan oo Raaci ah ama Adeecsan.


Barça ayaa hadda ka hooseysa Los Blancos waxayna heysataa 130 milyan oo taageere, kooxda ugu taageeraha Badan booska seddaxaad ee Baraha Bulshada qiimeynta Uefa, Manchester United, ayaa seddax ka ah waana 90 milyan dadka baraha Bulshada ka raacsan. Atlético Madrid ayaa joogta kaalinta 13-aad, iyadoo heysata 19 milyan oo raacsan isu geynta Twitter iyo Facebook.


Real Madrid ayaa sidoo kale heysata hoggaamiyeyaasha Shaqsiga ee Baraha Bulshada: Cristiano Ronaldo ayaa leh in ka badan 301 milyan oo Raaci, halka Barcelona wiilkeeda Lional Messi uu heysto 190 milyan waxaana ninka seddaxaad ah Neymar oo ka tirsan Paris Saint-Germain wuxuuna leeyahay 180 milyan oo Taageere.


5-ta kooxood ee Europe ugu taageeraha Badan Twitter

Real Madrid: 28m

Barcelona: 26m

Manchester United: 16m

Arsenal: 12m

Chelsea: 11m


5ta kooxood ee Europe ugu taageeraha Badan Facebook

Real Madrid: 105m

Barcelona: 104m

Manchester United: 74m

Chelsea: 48m

Arsenal: 44m


Waxaa Turjumay: Muuse Cabdi Cabdulle.

Aqoontu@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip