Keddib Pogba oo £89m, iyo Saxiixa Caawa Sanches waa Dharbaaxo kale uu Mourinho ku dhuftay Sir Alex Ferguson, Sababta Ogow!!

0
Monday January 22, 2018 - 21:26:01 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 1915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keddib Pogba oo £89m, iyo Saxiixa Caawa Sanches waa Dharbaaxo kale uu Mourinho ku dhuftay Sir Alex Ferguson, Sababta Ogow!!

    Isniin- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Manchester


ALEXIS SANCHEZ ayaa noqon doona, mid kale oo rikoodh ku sameeya Sir Alex Ferguson, keddib Saxiixii Pogba oo ku noqday Amakaag Macallinkaas reer Scotland, waxaana rikoodhkaas dhigaya Mourinho.


 

Waxaa laga war qabaa in laacibka Sanchez oo 23-jir ahaa weerarkana ka ciyaari jiray uu 2011 isku deyay in uu kula soo wareego macallin Ferguson, United halyeygeedii ayaase ku fashilmay helidda laacibkaas.



 

Sanchez ayaa hadda dhammeystiray  heshiis uu £500,000 usbuucii uga qaadanayo Man Utd, isagoo Tijaabada Caafimaadka ku maray Old Trafford.


 

Wuxuu noqday  laacibkii ugu horreeyay ee Chile u dhashay ee ka mid noqda safka United keddib Angelo Henriquez – Ferguson ayaa saxiixiisa isku deyay – wuxuu maalmo dhan ka daba Cararay soo qaadashada laacibkan.


 

Ferguson waa uu isku deyay wuuna ku hungoobay helidda Chile laacibkoodii Marcelo Salas sanadkii 1998 intaa keddib 13 mar laga joogo isku daygiisii Salas wuxuu doortay Sanchez oo sidoo kale laga diiday in uu aado halkaas.


 

Macallinka muddada dheer ee United ayaa aad ula dhacay Sanchez mar uu la joogay kooxda Udinese – iyadoo kooxda Serie A ciyaarta ay soo qaadatay 2006-dii.


 

 

 

Keddib Laba sano oo Amaah ay uga heysteen Chile kooxda ka dhisan ee Colo-Colo iyo Argentine naadiga ka dheela ee River Plate Sanchez ayaa kusoo laabtay 2008-dii.


 

Sanadkii 2011-kiina Sanchez iyo Antonio Di Natale ayaa noqday Laba qof oo aad looga hadal hayo horyaalka Serie A iyo Yurub oo dhan.


 

United ayaa lala xiriiriyay weeraryahanka oo da’yar ah sanadkii 2011 si gaar ahna Ferguson ayaa indhaha saaray laacibkan isagoo 22-jir ah 2010.


 

Ferguson waxaa ka soo xigtay News of the World isagoo dhahaya 2010-kii: "Waxaan indhaha ku heynaa Sanchez wuxuuna ku jiraa dhowrka laacib ee aan doonayo.


 

In Mourinho uu qaato laacibkan ayaa waxay noqotay  ceeb kale oo u laabaneysa Ferguson, maaddaama uu isagu ku hungoobay xilli uu laacibku ka tirsanaa koox aan sidaas u xoog badneyn oo Udinese ah.


 

Hadda oo laga qaadanayo Arsenal ayuu Mourinho ku heli doonaa Mushaar fiican Awgiis, sidoo kale Pogba oo uu ka raacdeeyay Man Utd ayaa wuxuu Mourinho kasoo bixiyay 89m oo Gani, taasoo la macno ah in nin qaali noqon lahaa uu kooxda si sahal ah uga raacdeeyay Sir Alex.


 

Dagaal xooggan ayaa ka dhexeeya labada tababare, maaddaama Sir uusan ku qanci Karin in lasoo jebiyo wax rikoodh ah oo uu kaga tegay Man Utd, halka Mourinho uu doonayo in rikoodh kasta uu ugu yaraan qeyb uun ka dhaawaco.


 Waxaa Turjumay : Muuse Cabdi Cabdulle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip