Roma Beddelkii Mohamed Salah weli wey ku raad joogtaa, Gerard Deulofeu waa qorshaha cusub

0
Thursday January 25, 2018 - 15:31:58 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roma Beddelkii Mohamed Salah weli wey ku raad joogtaa, Gerard Deulofeu waa qorshaha cusub

    Khamiis--Rome

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Rome

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Barcelona Gerard Deulofeu ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda Roma.


Iyadoo Barcelona ay la saxiixatay Philippe Coutinho oo ka yimid Liverpool iyo Ousmane Dembele oo ku soo laabtay kooxda koowaad ka dib dhaawac soo gaaray, Deulofeu ayaa loo badinayaa inuu ka tago Camp Nou ka hor dhamaadka bisha Janaayo.


AC Milan iyo Napoli ayaa hore loola xiriiriyay ciyaaryahanka reer Spain, kuwaasoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay AC.



Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Roma ayaa isku diyaarineysa inay soo gasho tartanka loogu jiro 23 sanno jirkaan oo uu ku soo laabtay afar gool 17 kulan oo uu ka soo muuqday San Siro xilli ciyaareedkii hore.


Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay heshay dalab gaaraya 20 milyan oo ginni oo lagu doonayo xiddigii hore ee Everton, kaasoo kaliya ku soo laabtay kooxda ka dhisan La Liga xagaagii hore.


W/Q: (Maxamed Ahmed Lio)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip