Messi: Barcelona wey dhammeystirantahay xataa la'aanta Neymar!!!

0
Saturday January 27, 2018 - 20:19:03 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi: Barcelona wey dhammeystirantahay xataa la'aanta Neymar!!!

    Sabti- Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Barcelona


Iyadoo kooxda Barcelona ay ku raaxeysaneyso sanadkan hannaan ciyaareed heer sare ah, Lionel Messi ayaa ka hadlay wax qabadka kooxda Los Cules ee sanadkan, wuxuuna sheegay in ay tahay naadi aan loo babac dhigi Karin, xataa la’aanta Neymar.


 

Neymar ayaa ku biiray naadiga Paris Saint-Germain isagoo ka tegay kooxda macallin Ernesto Valverde oo aan tebin haba yaraatee waxqabadkiisii.


 

"La’aanta Neymar waxaan nahay kuwo dhammeystiran,” Messi ayaa ku sheegay Wareysi uu siiyay World Soccer.



 

 

 

"Tegistiisii waxay na bartay in aan u ciyaari karno sidii aan doonno, waxaan weynay xubin ka mid ah weerarkeennii ugu fiicnaa, balse lama tebin.

 

"Waxaan hadda nahay koox hannaan ahaan isku dhisan, Khadka dhexe; waxayna taasi xoojisay difaaceenna.”


 

Kooxda Blaugrana ayaa ku beegan Chelsea ciyaaraha Champions League, iyadoo laacibka Argentine uu rumeysanyahay in uu ka hortegayo kooxdiisii Caqabadda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip