Ma'rumeysaneysaa in Xirfadda Cristiano Ronaldo ay gacan ku sameystahay …. Messina hibo tahay …?

0
Monday January 29, 2018 - 11:31:06 in Wararka by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma'rumeysaneysaa in Xirfadda Cristiano Ronaldo ay gacan ku sameystahay …. Messina hibo tahay …?

    Tevez Muxuu ka rabaa Cristiano Ronaldo ..?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tevez Muxuu ka rabaa Cristiano Ronaldo ..?

Wax lala yaabo ayeey noqotay ka dib markii laacibka Boca Juniors Carlos Tevez,oo 34 jir ah uu sheegay in laacibnimada Cristiano Ronaldo ay tahay mid uu ku kasbaday Biro la’dadaamiyo iyo Jimicsi , Messina ay ka tahay alla ku sii


Warbaahinta ka faalloota Kubadda Cagta ayaa aad u hadal heysa arintaasi , Sidaasi daraadeed aynu ka hadalno warkaan waxa ka dambeeya :

1.Messi maahan nin joogteeya goobaha biraha lagu qaado si Murqihiisa uu u dhiso , walina ma dhicin in uu sidaasi sameeyo , halka Ronaldo ay 

caado u tahay in Biraha jimicsiga in uu dadaamiyo si uu isu adkeeyo taasina waxa ay ka marqaati kacaysaa in Messi wixiisu Hibo yihiin



2.Tevez waxa uu la saftay Cristiano Ronaldo Xagaagii 2007dii , oo ka hor waxba kama sheegi karo bilowgiisa Cayaaraha maadaama uusan daawan


3.Suura gal maahan in laga hadlo Mesi , kaliya waxaa la faaqidi karaa Hibada iyo xiddignimada uu haysto ee uu hormuudka ugu yahay Jiilka kubadda cagta ee waqtigaan nool , lakin marka aad Cristiano Ronaldo ka sheekeyneyso ogow in aad ka sheekeyneyso murqo Biro lagu dhisay .


4.Kummanaan Cayaar yahano ah ayaa taga oo waliba joogteeya Gym-ka ha’yeeshee isweydiintu waxa ay tahay Cristiano Ronaldo muxuu uga saramaray kuwaasi muxuu ula kulmi waayay dhaawacyada asiiba Murqaha … ? ogow in si cilmi ah uu jirdhiska u sameeyo sidaasina uu kaga wanaagsan yahay laacibiinta kale , sababtuna waxa ay tahay waxa uu doonayaan in uu ilaashado heerka wanaagsan ee kubadda cagta uu ka joogo


5.Wali lama hayo Ronaldo oo eedeeyn u jeedinaya naadi uu ka tagay , laakin Tevez waa ku caan oo mar walba oo uu koox ka tago waa eedeeyaa isaga oo mas’uuliyadda ka tagista kooxdiisana dusha uga tuuro macalimiinta naadigaasi hogaamineysa


6.Marka Cristiano Ronaldo uu joogteeyay Goobaha biraha Lagu qaado ee jirka lagu dhiso waxa uu ku guuleystay Kubadda Daabka ah , isaga oo dhaliyay 61 Goal , sameyay 16 Goal , halka 8 jeerna uu Koob kula guuleeystay Kooxdiisa …. Halak Tevez uu 4 Goal dhaliyay 5 goalna caawiyay .. side beey suura gal u tahay in uu is bar bardhigo Ronaldo …?


7.Ceeb maahan in Cristiano Ronaldo uu Gym-ka bad sadaa maxaa yeelay caafimaadkiisa ayaa ku jira , tankale Tevez waayo wacan oo waliba guul ah oo uu ku xaqiijiyay lix koob ayuu la gaaray Horyaalka Qaaradad Yurub , waana wax taariikhdiisa uusan xaqiijin sanadkii 2008dii


8.Tavez Waa laacib ku wanaagsan Kubadad Cagta , waliba waxa uu ku jira Xiddigaha loogu Jecel yahay , laakin eedeeyntan uu u jeediyay Ronaldo laga yaabo in ay ka tahay ku soo jiido Messi oo dadku dhan ammaanaan , ama waxaa dhici karta in dhaleecaanta Cristiano Ronaldo uu ku salaxanayo ka qeyb galka Koobka kubadda cagta adduunka sidii uu xulka qarankiisa arjantiin uga so dhex muqan lahaa , waana wax suura gal ah .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip